Taliska ciidanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray istish-haadka Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr Amiirkii mujaahidiinta.
Bayaan rasmi ah oo Jeyshka Mujaahidiinta Soomaaliya kasoo baxay oo uu Akhriyay
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa lagu sheegay in ciidanka Mujaahidiintu ay
kusii socan doonaan wadadii uu jeexay Sheekh Abuu Zubeyr.
Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa ballan qaaday in Beycadii ay kula jireen Abuu
Zubeyr ay siiyeen Amiirka cusub Sheekh Abii Cubeydah.
Abuu Muscab oo hadlayay wuxuu yiri "Ciidanka mujaahidiinta ee Sh.Abuu Zubeyr
dhisay waa ciidan cudud ballaaran leh oo utaagan difaaca muslimiinta bariga
Afrika,ciidaankaasi oo gaashaan u ah wilaayaatka islaamiga ah ee lagu dhaqo
shareecada islaamka wuxuu kale oo uu utaaganyahay ilaalinta cududda jamaacada
muslimiinta ah ee ka hirgeshay geyigaynan”.
Sidoo kale ciidanka mujaahidiintu waxay beyco siiyeen amiirka cusub ee XSHM
Sheekh Abuu Cubeyda Axmed Cumar "Ciidankaas waa seef galka ka baxsan oo gacanta
ugu jirta amiirkeena cusub sheekh Abuu Cubeyda Axmed Cumar,haddaan nahay
ciidanka mujaahidiinta samcan wadaacan waxaana kuu oofin doonaa balantii aan
kula galnay” Sheekh Abuu Muscab.
Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa dalka ka difaacaya ciidamo kumanaan ah oo ka
socda inkabadan 5 dowladood Afrikaan nasaara ah lagu daray dowladda
dabadhilifka Jabuuti.
Halkan ka dhageyso Kalimadda Sh.Abuu Muscab MP3
Abuu Muscab "Ciidanka Mujaahidiintu Waa Seef Galka Kabaxsan oo Gacanta Ugu Jirta Amiirkeena Cusub Abuu Cubeyda"Dhageyso.
Taliska ciidanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray istish-haadka Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr Amiirkii mujaahidiinta.