Dowladda Imaaraatka Carabta Oo Muqdisho Ka Daabulaysa Qalabkii Melleteri Ee Soomaaliya Ka Yiillay.

Thursday April 19, 2018 - 11:27:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraatka Carabta Oo Muqdisho Ka Daabulaysa Qalabkii Melleteri Ee Soomaaliya Ka Yiillay.

    Tobanaan gaadiid ah oo sida qalab melleteri ayaa laga saaray xerada Tababarka Jeneraal Gorden ee kutaal degmada Hodon ee bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan gaadiid ah oo sida qalab melleteri ayaa laga saaray xerada Tababarka Jeneraal Gorden ee kutaal degmada Hodon ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda imaaraatka ay xerada ka saartay gaadiidka xamuulka,qalab melleteri iyo gaadiid nuuca xabaddu aanu karin ah oo saraakiisha tababarayaasha ah isticmaali jireen.

Qalabka iyo gaadiidka ayaa laysugu geeyay xarunta safaaradda Imaaraatka ee degmada Cabdi Casiis waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda laga raro dekadda Muqdisho oo uu kusoo xirtay Markab ka yimid dhanka Abuu Dubai.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in warqad fasax ogolaansho ah ay saraakiisha imaaraatka  ka heystaan Wasaaradda Amniga DF-ka in alaabtaas ay ka rartaan Dekedda Muqdisho.


Wasiiru dowlaha wasaarradda arrimaha dibaddan Imaaraatka Carabta Anwar Qarqaash ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu xumaaday cilaaqaadka kala dhaxeeya Hoggaanka DF-ka.

Dowladda Imaaraatka ayaa kaalin weyn ku laheyd duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen Soomaaliya iyadoo Kumanaan maleeshiyaad ah tababartay oo qalabeysay islamarkaana bil walbo lacago mushaaraad ah siin jirtay.

Sidoo kale dowladdan ayaa taageero dhaqaale siin jirtay ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee xasuuqa ka wada gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items