Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Wardhiigleey.

Sunday April 22, 2018 - 07:11:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Wardhiigleey.

    Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska dowladda Federaalka uga sugnaayeen degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska dowladda Federaalka uga sugnaayeen degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya xaafadda Xamar Jadiid ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday Bambaanooyin lagu qaaday saldhig ciidan oo kuyaal halka loo yaqaan Sarguduudda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo is xigxiga kadibna waxaa xigay rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, warar hordhac ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 2 askari ay ku dhinteen weerarka.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay faafisay Idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Weerarada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay 16-ka degmo ee uu ka koobanyahay gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items