Allaah baa mahad iska leh nabad gelyo iyo naxariis nabi
Muxmed korkiisa ha ahaato.
Maraykan iyo
xulufadiisa waxay la tahay haddii Sheekh abuu subeyr geeriyooday in xarakada
shabaabul Mujaahidiin tusbax go’ay noqoneyso laakiin fikirkaasu waa waa mid aan
caafimaad qabin maskax waayo aragnimo ama indheer garadnimo ay ku jirtana aan
ka soo fulin.
Abuu subeyr wuxuu ahaa hogaamiye kacdoon jihaadhormuud u ahaa booskiisana waxaa durba lagu bedelay nin aan rejeynayo in gaarsii doono Mujaahidiinta heer ay cadawgu dhegaha fara geliyo oo uu candhuuftiisa gadaal u leqo.
Taariikhda
hadaanu dib ugu noqono cadawgu waxay dhowr iyo labaatankii sano ee la soo
dhaafay Beegsadeen hogaamiyaal badan oo Mujaahidiinta Caalamka ka hana qaaday
garwadeen u ahaa kuwaasoo shahiiday laakiin Allaah mahaddii nin kasta shaqadii
uu hayay raggii ku hareereysnaa baa bartii ka sii waday.
Waxyaabaha
la yaab ka leh waxaa ka mid ah in markii shuuqdii geesiyaasha ahaa ee
xarakaadka jihaadiga madaxda u ahaa,qaarkoodna ay ahaayeen aas aasayaashii
unkay kolkii ay shahiideen in awoodda
xarakaadku barakowday oo mid waliba ka sii balaaratay sidii ay ahayd maalinii
amiirka la bartilmaameedsaday.
Aan soo
qaadano tusaalooyin kooban oo nagu filan kuwaasoo waayadaan jihaadka loo qalab
qaatay ka dhacay gudaha soomaaliya iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah.
Sanadkii
2008-dii ciidamada saliibiyiinta ah ee maraykanku waxay gentaalo waweyn oo is
daba jooga ku rusheeyeen guri uu ku jira Macalin Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa
taliyihii ciidamada Xarakada Alshabaab Miisaan weyna u lahaa dhaq dhaqaaqa
dhexdiisa maadaama uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii udubada u muday una adkeeyay.
Wax badan ayuu cadawgu Mujaahidkaa geesiga ah baadi goobayay hadafkuna wuxuu ahaa in jihaadku Geesaha dhulka la galo si dalka shisheeyaha gumeysigiisu durba uga hirgalo shareecada Islaamka ee ay koryeelideeda asiga iyo saaxiibadii u taagnaayeenna meesha looga saaro.
Aadan Xaashi
wuxuu ahaa nin Allaah hibo u siiiyay isu keenna dad ninba dhan u jeeday ama
kala fikir ahaa dadeedna uu ku mideeyo in xaqqa la kor yeelo baadilkana cagta
ka hoos la mariyo si taas loo hir geliyana ay lagama maarmaan tahay in cadawga
dalka qabsaday lala dagaalamo kaasoo ciidamada Itoobiya xiligaas ugu horreen.
Maraykanka
inkaaranu wuxuu qabay aragti gurracan iyo garasho jaban oo ahayd in haddii
ninkaan Aadan xaashi ah la dilo ururku kala daadanayo una kala firxanayo sidii
ari weer galay.
Laakiin taas
cagsigeeda xarakada shabaabul mujaahidiin oo markaas gobalo aan badnayn jabhado
ka joogeen dilkiisa kadib waxay noqotay dab dhagax lagu dhuftay waxaanay u
kobacday tayo ahaan iyo tiro ahaan iyadoo xukunkeedu gaaray 11 gobal oo
koofurta iyo bartamaha soomaaliya ka mid ah.
Mudadaas
waxaa hogaamiye ahaa oo isla bishii Macallin aadan xaashi ceyrow shahiiday
Amiir laga dhigay allaha shahaadada ka aqbalee imiirka iminka shahiiday Sheekh
muqtaar cabdiraxmaan abuu subeyr.
Geesta kale
2-dii bishii may 2011 waxaa shahiiday oo maraykanku guriguu deganaa weeraray
sheekh Usmaa bin ladin hogaamiyahii ururka alqaacida waxaana markaas madaxweyne
Obama odorosayay in uu guulo ku taallaabso doono oo alqaacida halkaas ku
dhamaatay laakiin Allaah baa ku mahadsane awoodda ururka ayaa sii fidday.
Alqaacida
iyadoo sideedi u dhisan waxaa jira Mujaahidiin kale oo ka farcamay oo iminka
wadamada ciraaq iyo suuriya ka jihaadaya xukumana magaalooyin badan oo
dalalkaas ka tirsan kuwaasoo dowlad islaami ah ku dhawaaqay.
Xarakatu
Shabaabul Mujaahidiin waxay madaxdeedu ku dadaaleen dhismaha ciidanka, sugidda
xogta, Adkeynta midnimada, kala dambeynta iyo u hogaansanaanta umurada, ka
digtoonaanta dhagaraha cadawga oo jawaasiistu ugu horreeyaan, maareynta
dhaqaalaha iyo qodobo kale oo badan.
Hogaamiyaha
csub Sheekh Axmed Cumar Abuu cubeyda,
waxaa looga fadhiyaa inuu howsha qabyada ahayd dhameystiro.
Waxaa sugaya
jid dheer oo saaxiibkii falis ku bilaabay oo lagana doonayo in uu godomi waaweyn u afeysto.
Waxaan
rejeynayaa insha Allaah in taasu u fududahay maxaa yeelay wuxuu ku jiray
gacanyarayaashii ama saraakiishii amiirka shahiiday wax la maamulayay.
Faanka
cadawga.
Inkastoo
geerida aan loo kala habeen lahayn ee loo kala horreeyo waanu sugeynay in gaalo
ay faraxdo maxaa yeelay waxay dishay hogaamiye Muslim ah oo baadilka ay geed
dheer iyo geed gaaban hirgelintiisa u fuulayaan dagaal kula jira qaar badna oo
iyaga ka tirsanaana qoorta u gaduudiyay.
Laakiin
waxaan la yaabay dad Muslim sheeganaya hadana kufaarta farxadda la wadaaya
uguna hambalyeynaya ficil ay geesigii ku beegsadeen, waxaanse isga daynayaa in
Allaah uu xaqsoore yahay xalkoodana la socayo.
Waxaan ku
soo gaba gebeynayaa gun iyo gaalo waa farxeen gobise geeri waa taqaan.
W qoray
Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)
Kala Xariir Email [email protected]
Gun iyo gaalo Waa Farxeen Gobise geeri Waa taqaan W/Q C/llaahi Soomaali.
Assalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.