Dagaallo Ka Dhacay Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Magaalooyinka Xudur,Waajid iyo Rabdhuurre.

Wednesday September 10, 2014 - 10:58:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaallo Ka Dhacay Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Magaalooyinka Xudur,Waajid iyo Rabdhuurre.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta ay saacadihii lasoo dhaafay weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta ay saacadihii lasoo dhaafay weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya.

Xalay fiidkii ayay dagaallo culus ka dhaceen gudaha iyo hareeraha degmada Xuudr halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Daryanka rasaasta iyo hugunka madaafiicda oo ay isdhaafsanayeen labada dhinac ayaa laga maqlayay degmada Xudur iyo hareeraheeda.

Sidoo kale dagaal saacado badan qaatay ayaa ka dhacay degmooyinka Waajid iyo Rabdhuurre oo labaduba ay ku suganyihiin ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Dagaalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay xaalad go’doon ah ay kujiraan dhammaan magaalooyinka gobalka Bakool ee Itoobiyaanku qabsadeen.

Related Items