Mas'uuliyiin Katirsan Ururka Axraaru Shaam oo Suuriya Lagu Dilay.

Wednesday September 10, 2014 - 11:07:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin Katirsan Ururka Axraaru Shaam oo Suuriya Lagu Dilay.

    Weerar ka dhacay wadanka Suuriya ayaa sababay dhimashada hoggaamiyaal sarsare oo katirsanaa xoogaga Kacdoonka ee dagaalka kula jira nidaamka Bashaar Al-asad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydka Mas'uul katirsan Axraaru Shaam
Weerar ka dhacay wadanka Suuriya ayaa sababay dhimashada hoggaamiyaal sarsare oo katirsanaa xoogaga Kacdoonka ee dagaalka kula jira nidaamka Bashaar Al-asad.

Weerar ka dhacay gobolka Idlib waxaa lagu dilay ku dhawaad 50 sarkaal oo katirsanaa jamaacada islaamiga Axraaru Shaam.

Qarax xooggan oo ka dhacay guri dhulka hoostiisa qodan waxaa ku dhintay saraakiil ay kamid yihiin Xassaan Cabuuda amiirkii Axraaru Shaam,Abuu Dalxa madaxii melleteriga iyo Cabdul Maliki oo dhanka garsoorka u qaabilsanaa xarakada.

Sarkaal uhadlay Axraaru shaam ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay walxo sumeysan oo goobta si lama filaan ah uga qarxay wuxuuna dilka hoggaamiyaasha ku eedeeyay nidaamka Bashaar Al-asad.


Axraaru shaam ayaa qeyb ka ah Ururka Jabhadda Islaamiga ah ee u dagaalamaya sidii nidaamka Al-asad loo ridi lahaa kadibna loo dhisi lahaa dowlad madani ah.

Related Items