AMISOM oo Gaari Looga Gubay Shabeelaha Hoose iyo Iska Hor'imaad Ka Dhacay Muqdisho.

Wednesday September 10, 2014 - 12:28:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo Gaari Looga Gubay Shabeelaha Hoose iyo Iska Hor'imaad Ka Dhacay Muqdisho.

    Mid kamida gaadiidka xamuulka ah ee saadka uqaada ciidamada AMISOM aya lagu gubay qarax ka dhacay deegaan katirsan Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida gaadiidka xamuulka ah ee saadka uqaada ciidamada AMISOM aya lagu gubay qarax ka dhacay deegaan katirsan Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn ee shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in miino dhulka lagu aasay ay laqaraxday gaari saad ciidan u siday ciidamada shisheeyaha AMISOM ee ku sugan degmada Buula Mareer.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gabi ahaanba uu burburay gaariga labeegsaday waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday darawalkii gaariga iyo askar ilaala ka haysay.

Dhinaca kale ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday saldhigyo ciidamada DF-ka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha degmada huriwaa.

Related Items