Weeraro Ka Dhacay Wadada Warshadaha iyo Ergay Lagu Dilay Degmada Wardhiigleey.

Sunday May 27, 2018 - 22:17:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Ka Dhacay Wadada Warshadaha iyo Ergay Lagu Dilay Degmada Wardhiigleey.

    Xoogaga hubeysan ayaa caawa weerar xooggan ku qaaday saldhigyo melleteri oo maleeshiyaadka dowlada Federaalka ay uga sugnaayeen xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga hubeysan ayaa caawa weerar xooggan ku qaaday saldhigyo melleteri oo maleeshiyaadka dowlada Federaalka ay uga sugnaayeen xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Caawa Maqribkii weerar dhabbagal ah ayaa loo dhigay maleeshiyaadka loo yaqaan Xasilinta caasimadda xilli ay ku socdaalayeen isgoyska Ex.control Balcad ee degmada Huriwaa.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamo watay ugu yaraan sedax gaari ay weerar xooggan kala kulmeen xoogag katirsan Shabaabul Mujaahidiin balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale rasaas xooggan ayaa caawa laga maqlay dhanka wasaaradda Gaashaandhigga illaa halka loo yaqaan Ceel Tusbaxlle oo kawada tirsan degmada Dayniile, weerar kale oo ka dhacay xaafadda Furayaasha ee degmada Wardhiigleey waxaa lagu beegsaday maleeshiyaadka katirsan DF-ka.


Dhinaca kale mid kamida Ergadii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka DF-ka ayaa caawa lagu dilay degmada Dharkeynleey, goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen Suleymaan Foolyare oo kamid ahaa ergadii xildhibaannada kasoo xulay dhanka maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarada caawa ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items