Ku Dhawaad 10 Askari Itoobiyaan Ah oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Garbahaarey Gedo.

Wednesday September 10, 2014 - 19:38:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 10 Askari Itoobiyaan Ah oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Garbahaarey Gedo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale qabsadeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ee halkaasi ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale qabsadeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ee halkaasi ku sugan.

Maanta duhurkii ayay ciidamada mujaahidiintu weerar dhabagal ah u dhigeen kolonyo ciidamo itoobiyaan ah oo ka amaba baxay degmada Garbahaarey kunasii jeeday dhanka Beled Xaawo.

Wariye ku sugan Gedo ayaa soo sheegay in dagaal culus uu Itoobiyaanka ku qabsaday deegaanka Tuulo Barwaaqo oo 20 KM jirta Garabahaarey.

Laba kamid ah gaadiidka ciidanka Itoobiya ayaa burburay kadib markii madaafiicda garbaha laga gemo lala eegtay cadawga.


Rasaas xooggan oo ay muslimiinta iyo cadawga isweydaarsanayeen ayaa laga maqlayay goobta lagu dagaalamay,Wararka ayaa intaasi ku daraya in 6 askari Itoobiyaan ah lagu dilay dagaalkii maanta iyagoona gelinkii dambe ee maanta u dhaqaaqay dhanka Beled Xaawo.

waa weerarkii 3-aad ee isbuucan gudihiisa Gedo lagula beegsado gumeystaha Itoobiya.

Related Items