Katumba Wamala "Hoggaamiyaha Cusub Ee Al Shabaab Wuxuu Qorshaynayaa in uu Weeraro Uganda".

Wednesday September 10, 2014 - 19:46:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Katumba Wamala "Hoggaamiyaha Cusub Ee Al Shabaab Wuxuu Qorshaynayaa in uu Weeraro Uganda".

    Taliska ciidanka Melleteriga wadanka Uganda ayaa ku dhawaaqay in cabsi xooggan ay ka qabaan weerar uga yimaad dhanka ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Katumba Wamala waa Taliyaha ciidanka Uganda.
Taliska ciidanka Melleteriga wadanka Uganda ayaa ku dhawaaqay in cabsi xooggan ay ka qabaan weerar uga yimaad dhanka ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Magaalada Kampala ee wadanka Uganda ayaa heegan sare lageliyay ciidanka ammaanka si looga feejignaado weeraro la sheegay in ay kasoo socdaan mujaahidiinta Soomaaliya.

Jeneraal Katumba Wamala oo u hadlay ciidanka melleteriga Uganda ayaa wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Ingiriiska u sheegay in Hoggaamiyaha cusub ee shabaabul Mujaahidiin Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda uu qorshaynayo weeraro cusub.

"Heegan ayaa lageliyay ciidanka ammaanka Uganda sababtoo ah hoggaanka cusub ee Al Shabaab waxay qorshaynayaan weerar aargudasha ah”ayuu yiri Katumba Wamala.


Uganda oo kamid ah dowladaha ciidankoodu kusoo duulay Soomaaliya ayaa wadnaha farta ku heysa,sanaddii 2010-ka ayay shabaabul Mujaahidiin weerar khasaara badan dhaliyay ka fulisay magaalada Kampala.

Related Items