Obama oo Isbahaysi Dagaal Ku Iclaamiyay Dowladda Islaamiga Ah Kuna Beegay 11/9

Thursday September 11, 2014 - 11:06:02 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Obama oo Isbahaysi Dagaal Ku Iclaamiyay Dowladda Islaamiga Ah Kuna Beegay 11/9

    Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa ku dhawaaqay dagaal hor leh oo ka dhan ah xoogaga dowladda Islaamiga ah ee maamula dhul ballaaran oo Ciraaq iyo Suuriya katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa ku dhawaaqay dagaal hor leh oo ka dhan ah xoogaga dowladda Islaamiga ah ee maamula dhul ballaaran oo Ciraaq iyo Suuriya katirsan.

Obama oo khudbad ujeediyay golaha odayaasha Mareykanka ayaa sheegay in dowladdiisu go’aansatay burburinta dowladda islaamiga oo uu ku sheegay udub dhaxaadka sharta.

Wuxuu sheegay in isbahaysi adag ay u raadinayaan ladagaalanka mujaahidiinta dowladda islaamiga ah wuxuu ku goodiyay in waqti dhaw iyo waqti dheerba ay ka adkaan doonaan mujaahidiinta.

Mareykanka ayaa bayaaniyay qaabka ay ula dagaalamayaan dowladda islaamiga ah waxaana kamid ah duqeyn dhanka cirka ah,xoojinta kooxaha mucaaradka dhax-dhaxaadka Suuriya iyo in laxidida siibo ilaha maalgeliyo dowladda islaamiga ah iyo taageero xooggan oo lasiiyo ciidamada xukuumadda Baqdaad iyo maamulka Kurdistaan ee Arbiil ka dhisan.


Obama ayaa xamladiisa cusub kusoo beegay 11/9 oo ah waqtigii ay mujaahidiinta Al Qaacidda duullaanka ballaaran ku qaadeen magaalooyinka New York iyo Washington.

Dowladda Islaamiga ah ayaa sharciga islaamka ku maamusha magaalooyin waaweyn oo Ciraaq katirsan iyo 35% wadanka Suuriya oo ay gacanta ku heyso.

Shir Maanta ka dhacaya magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga ayaa isna looga dhawaaqi doonaa dowladaha carbeed ee ka qeyb gelaya isbahaysiga cusub ee lagula dagaalamayo dowlada Islaamiga ah.

Related Items