Daawo:Mujaahidiinta Jabhdda Al Nusra oo sii daayay Ciidamo Katirsan Q.Midoobe oo ay ka faasheen Jowlaan.

Thursday September 11, 2014 - 20:59:09 in Wararka by
  • (Rating 2.2/5 Stars) Total Votes: 6
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Mujaahidiinta Jabhdda Al Nusra oo sii daayay Ciidamo Katirsan Q.Midoobe oo ay ka faasheen Jowlaan.

    War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Q.Midoobe ayaa lagu xaqiijiyay in tobaneeyo katirsan ciidamada Fiji ee qeybta ka ah Q.Midoobe oo maalmihii lasoo dhaafay Suuriya ku qafaalnaa lasii daayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Fiji ee Undof katirsan
War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Q.Midoobe ayaa lagu xaqiijiyay in tobaneeyo katirsan ciidamada Fiji ee qeybta ka ah Q.Midoobe oo maalmihii lasoo dhaafay Suuriya ku qafaalnaa lasii daayay.

Ciidankan oo gaarayay 45 askari ayaa lagu qabtay dagaal ka dhacay xad beenaadka ay wadaagaan Suuriya iyo Buuralayda Al-Jowlaan ee Yahuuddu heysato.

Saami Al Cureydi oo katirsan Jabhadda Al Nursah ayaa sheegay in iyagoo fulinaya amarka ilaahey ay sii daayeen askarta Q.Midoobe islamarkaana aysan wax shuruud ah ku xirin sii daysmadooda maadaama ay horay ubalan qaadeen in ay sii daynayaan.

Mujaahidiinta Jabhadda Al Nusrah ayaa horay uga dalbaday Q.Midoobe in lagasaaro liiska Argagaxisada balse shardigaasi ayaan suurtagelin.


Afhayeen u hadlay Q.Midoobe ayaa xaqiijiyay in 45 askari oo Fiji udhashay lageeyay deegaanka 80-aad ee Al Jowlaan halkaasi oo ay kasii shaqeyn doonaan.

Ilo wareedyo ay soo xigatay Shabakadda Al Jazeera ayaa sheegaya in sii daynta ciidanka Q.Midoobe ee kujira gacanta Jabhadda Al Nusra ay timid kadib dhax dhaxaadin ay sameysay mid kamida dowladaha Khaliijka oo diiday in magaceeda la adeegsado.

Q.Midoobe ayaa ah halka lagasoo agaasimo duullaannada ka dhanka ah muslimiinta waana Urur ay ku adeegtaan dowladaha reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Ciidanka UN-ka ee ku sugan buuralayda Al Jowlaan ayaa Yahuudda u sharciyaynaya heysashada dhulka muslimiinta Filasdiin.


Hoos Ka Daawo Filim Mujaahidiinta Jabhadda kasoo baxay



Related Items