Qaraxyo Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka oo Shabeelaha dhexe Ka Dhacay.

Saturday September 13, 2014 - 06:14:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka oo Shabeelaha dhexe Ka Dhacay.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qaraxyo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaanno katirsan Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid Kamida Gaadiidka AMISOM oo Duleedka Muqdisho lagu qarxiyay
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qaraxyo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaanno katirsan Shabeelaha dhexe.

Wararka ka imaanaya Sh.dhexe ayaa sheegaya in qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Xarar lugoole ee u dhaxeeya Fiidoow iyo Jalalaqsi uu sababay khasaara dhimasho iyo dhawaac ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari nuuca NOHA oo maandooriyaha khaatka kasoo qaaday dhanka degmada Jowhar kunasii jeeday degmada Jalalaqsi.

Mid kamida dadka deegaanka ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in gabi ahaanba uu burburay gaariga waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dadkii gaariga lasocday oo ahaa Maleeshiyaad DF-ka katirsan.


Dhinaca kale qarax waxyeello kasoo gaartay mid kamida gaadiidka AMISOM ayaa shalay ka dhacay deegaanka Buurane ee dhaca duleedka degmada Mahadaay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items