Ciidanka Itoobiya oo Si Xun Loogu Jebiyay Dagaal Ka Dhacay Deegaan Katirsan Gobolka Bakool.

Saturday September 13, 2014 - 06:48:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Itoobiya oo Si Xun Loogu Jebiyay Dagaal Ka Dhacay Deegaan Katirsan Gobolka Bakool.

    Ciidamada wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa weerar dhabagal ah u dhigay kolonyo katirsan ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo Maleeshiyaad amxaara Kalkaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa soomaaliya kusoo duulay
Ciidamada wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa weerar dhabagal ah u dhigay kolonyo katirsan ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo Maleeshiyaad amxaara Kalkaal ah.

Wararka ka imaanaya Bakool ayaa sheegaya in dagaal khasaara dhaliyay uu ka dhacay wadada xiriirisa degmada Tiyeegloow iyo deegaanka Biyooleey.

Wariye ku sugan Bakool ayaa soo sheegay in ciidamada cadawga wadajirka ah ay ka baxeen dhanka Tiyoogloon ayna isku dayeen in ay raashin kasoo dhacaan tuulada Biyooleey ee isla gobolka Bakool.

Dagaal culus ayaa la sheegay in labada dhinac uu ku dhaxmaray dhul howd ah,warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidanka mujaahidiinta ay cadawga ku qasbeen dib ugurasho isaga oo aan gaarin hadafkiisi ahaa dhaca hantida shacabka.


Hareerayn lasaaray Tiyeegloow ayaa saamayn ballaaran ku yeelatay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka duullaankooda ku wehliya.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka mujaahidiinta oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Bakool.

Related Items