Boqolaal kamid ah dad weynaha magaalada Hargeysa ayaa buux dhaafiyay
masjidka si ay uga faa’iideystaan mawaadiicda waaqiciga ah ee uu mar
walba Sheekhu kusoo qaato Khudbaddiisa.
Sh/Sunne ayaa ka hadlay fadliga uu leeyahay qofka Shahiidka ah ee loo
dilay Allaah darti, isagoo soo qaatay aayado Qur’aan ah iyo Axaadiiht
arintan la xiriira.
Dhacdadii dhawaan ay Mareykanku ku beegsadeen Sh/Abu Zubeyr Amiirkii
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayuu dul mar ku sameeyay, wuxuuna
dadka muslimiinta ah u muujiyay waxa maanta Mareykan qiyaadada ku
dilayo.
Wuxuu Sheegay in Mareykan maanta taagan yahay booskii Fircoon
maadaama uu leeyahay "aniga ha iga amar qaateen dadka dunida ku nool”
taasoo buu yiri’ ku sababi doonta halaagii fircoon ku dhacay.
Dadka muslimiinta ah ayuu Sheekhu ugu baaqay iney ku samraan dhibka
ay gaalada kala kulmayaan, maadaama iyaguba dhibaatoonayaan sida uu
Allaah ku sheegay suuratu Aala Cimraan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu muujiyay in Sheekh Abu Zubeyr
aanu u dhiman sida fulayda iyo xayawaanka, balse uu maray qaabkii ay u
shahiidi jireen geesiyaashii islaamka Sida Xamza Bin Cabdilmuddalib.
Gaalada ku digatay iyo kuwa la fakarka ah ee Qur’aanku sheegay ayuu
Sheekhu u sheegay in dadka ay dilkooda ku faanayaan ay yihiin kuwa
markii horaba u bareeray oo bannaanka isi soo dhigay, halka iyagu yihiin
kuwa shub iyo dabaabaad ku jira oo fulaynimo la degtay, wuxuuna wax ku
dareensiiyay gabay ” NINKI DUNIDA LOO DEYNAYAA HAYGU DIIRSADO, WAA WIXII
DABAAL DAGAY ANOO GAAL ISOO DILAY, WAA WADA DAMIIN AAN OGEYN DABINKA
HOOS YAALLA”.
Ugu dambeyntii wuxuu Sheekhu khudbadiisu kusoo qaatay sida uu Allaah
muslimiinta ugu amray iney diyaar garoobaan oo u tababartaan gaalada,
wuxuuna dhammaan muslimiinta ku dhiira galiyay in sey tahay ay u gutaan
fariidadaas si loo gaaro nolol aduunyo oo cizi ah ama mid aakhiro oo
baraare ah.
Wuxuu sheegay in maanta dhibaato lagu hayo muslimiinta meel walbana lagu ugaarsanayo, isagoo tusaale usoo qaatay sida imika Mareykan, Yahuud iyo Shiico ay isugu bahaysanayaan muslimiinta Sunniyiinta ah ee Ciraaq, wuxuuna hadalkiisa kusoo xiray duco.
Halkan Ka Dhageyso Sh/Aadan Sunne MP3
Xigasho Alfurqaan
Sh/Sunne "Ninkii Dunida Loo Deynayaa Haygu Diirsado, Waa Wixii Dabaal Dagay Anoo Gaal Isoo Dilay" Dhageyso.
Sh/Aadan Sunne oo kamid ah culimada diinta islaamka ee gayigan ayaa khudbaddii jimcaha kaga hadlay istish-haadka Sh/Abu Zubeyr Amiirkii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.