Sarkaal Katirsanaa Ashahaadda ladirirka DF-ka oo Lagu Dilay Bartmaha Magaalada Muqdisho iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Saturday September 13, 2014 - 13:27:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Ashahaadda ladirirka DF-ka oo Lagu Dilay Bartmaha Magaalada Muqdisho iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dilka iyo qaraxyada ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka wali kasii socdaan xaafadaha magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Askari Lagu Dilay Isgoyska Bakaaraha Muqdisho
Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dilka iyo qaraxyada ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka wali kasii socdaan xaafadaha magaalada.

Maanta barqadii ayay xoogag hubeyn isgoyska KM5 ku toogteen taliye ku xigeenkii ciidanka ladagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada Ee Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay toogteen Col.Max’med Qaanuuni,wararka ayaa intaasi ku daraya in laba katirsan ciidankii ilaalada u ahaa sarkaalka ladilay ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Qaanuuniga maanta ladilay ayaa xilka taliya ku xigeenka ladagaalanka Argagaxisada qabtay kadib markii sarkaalkii xilkaasi hayay 2 bilood ka hor lau dilay degmada Xamar Jajab.


Sarkaalkan Muqdisho lagu dilay ayaa xariir toos ah lalahaa saraakiisha ciidanka Mareykanka ee saldhigga Xalane ka agaasima duullaanada ka dhanka ah muslimiinta Soomaaliya.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka sarkaalkan,mas'uul katirsan xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankooda gaarka ah ay dileen sarkaalka isagoo ku eedeeyay DFka in ay ku dhaqaaqday falal ashahaadda ladirirnimo oo liddi ku ah shacabka Muslimiinta.

Related Items