Ciidamada Mujaahidiinta oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Sh/Hoose Katirsan iyo Dagaal ka Dhacay Ceel Saliindi.

Saturday September 13, 2014 - 19:20:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Sh/Hoose Katirsan iyo Dagaal ka Dhacay Ceel Saliindi.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta gelinkii dambe ka dhaceen deegaanno katirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta gelinkii dambe ka dhaceen deegaanno katirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiinta ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay ciidamada Afrikaanta AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceel-saliindi ee duleedka magaalada Marka.

Ilo wareedyo aya sheegaya in ciidanka shabaabul mujaahidiin ay muddo kabadan hal saac la dagaalameen ciidamada shisheeyaha.

Dhinaca kale weerar khasaara badan dhaliyay ayay mujaahidiintu galabta ku qaadeen jidgooyo maleeshiyaad mooryaan ah oo taabacsan DF-ka ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Ciidamada weerarka qaaday ee mujaahidiinta katirsan ayaa qabsaday goobta isbaaradu utiilay maleeshiyaadka DF-ka iyagoona qaatay hub iyo lacago goobta yiillay.

Related Items