Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Wadajir Lagu Dilay.

Saturday September 13, 2014 - 20:38:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Wadajir Lagu Dilay.

    Mid kamida saraakiisha waxa loogu yeero Nabad sugidda DF-ka ayaa markale lagu dilay magaalada Muqdisho xilli saacadihii lasoo dhaafay dilal kala duwan ay ka dhaceen degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida saraakiisha waxa loogu yeero Nabad sugidda DF-ka ayaa markale lagu dilay magaalada Muqdisho xilli saacadihii lasoo dhaafay dilal kala duwan ay ka dhaceen degmooyinka gobolka Banaadir.

Maanta gelinkii dambe ayay ciidamada gaarka ah ee shabaabul Mujaahidiin degmada Wadajir ku dileen sarkaal katirsan Nabad sugidda Dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ladilay Yuusuf Axmaar oo nabad sugidda uqaabilsanaa qeybta socdaalka,raggii weerarka gaystay ayaa si nabad gelya ah goobta isaga dhaqaaqay waana sarkaalkii 2-aad oo maanta kaliya lagu dilo magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka DF-ka ayaa fashil dhabarka loo saariyay waxaana muuqata in xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka dhabaysay goodiskeedi ahaa in ay xoojinayso howlgaladeeda Muqdisho.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items