Dowladda Islaamiga ah oo Gowracday David Haines iyo Ingiriiska oo Cambaareeyay.

Sunday September 14, 2014 - 07:25:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Islaamiga ah oo Gowracday David Haines iyo Ingiriiska oo Cambaareeyay.

    Ciidanka dowladda islaamiga ah ayaa xukun dil ah ku fuliyay muwaadin udhashay wadanka Ingiriiska oo muddo sanada ah maxabuus ahaa ugu jiray gacanta mujaahidiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

David Haines waxaa gowracday Kooxda IS
Ciidanka dowladda islaamiga ah ayaa xukun dil ah ku fuliyay muwaadin udhashay wadanka Ingiriiska oo muddo sanada ah maxabuus ahaa ugu jiray gacanta mujaahidiinta.

Mu’asasada Alfurqaan oo ah garabka warbaahineed ee dowladda islaamiga ah ayaa soo saartay filim maqal iyo muuqaal ah oo uu kasoo muuqanayo David Haines Muwaadin Ingiriis ah oo lagowracayo.

Ninka wax gowracaya ayaa akhrinaya bayaan uu ku sheegayo sababta ay u gowraceen David Haines oo ah ku lug lahaashiyaha Britain ee duullaanka Mareykanku ku qaaday Ciraaq.

David Haines ayay mujaahidiintu gacanta kusoo dhigeen xilli uu ku sugnaa gudaha wadanka Suuriya,R/wasaaraha Ingiriiska David Cameron oo hadlay ayaa sheegay in gawraca lagula dhaqaaqay muwaadinta British-ka ah uu walaac ku reebay dhammaan shacabka Ingiriiska.


Dhinaca kale filimka lagu gowracay David Haines waxaa kasoo muuqday muwaadin kale oo Ingiriis Gowrac suge ah haddii xukuumadda London ay ka laaban wayso ka qeyb galka duullaanka Ciraaq.

Dowladda islaamiga ah IS oo maamusho qeybo katirsan Ciraaq iyo Suuriya ayaa horay udishay 2 saxafi Mareykan ah waxayna ku goodisay in ay dili doonto dhammaan dadka reer galbeedka ah oo ay heyso.

Related Items