Booliska iyo Melleteriga Uganda oo Raaf iyo Xadgudubyo Kula Dhaqaaqay Shacabka Soomaalida.

Sunday September 14, 2014 - 07:48:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska iyo Melleteriga Uganda oo Raaf iyo Xadgudubyo Kula Dhaqaaqay Shacabka Soomaalida.

    Xilli xaalad feejignaan ah ay wali kajirto wadanka Uganda ayay booliska wadankaasi bilaabeen howlgallo raaf ah oo ka dhan ah shacabka Soomaalida ee Uganda ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka ammaanka Uganda waxay xoojiyeen dhibaateynta Soomaalida
Xilli xaalad feejignaan ah ay wali kajirto wadanka Uganda ayay booliska wadankaasi bilaabeen howlgallo raaf ah oo ka dhan ah shacabka Soomaalida ee Uganda ku sugan.

Wararka ka imaanaya magaalada Kampala ayaa sheegaya in ciidanka qaabilsan ladagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ay xoog ku galeen goobo ganacsi iyo guryo ay leeyihiin shacabka Soomaalida.

Telefeshinka gaarka ah ee ku hadla afka xukuumadda Uganda ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay fashiliyeen wax uu ugu yeeray howlgal argagaxiso oo shabaabul Mujaahidiin ka fulin rabtay Kampala.

Afhayeenka ciidanka UPDF-ta Uganda ayaa xaqiijiyay in sirdoonka melleteriga ay qabteen sedax qof soomaali ah oo looga shakiyay in ay abaabulayeen weeraro ka dhan ah dadka Uganda.


Madaxweynaha wadankaasi Baadari Museveni ayaa horraantii bishan sheegay in ay ka baqayaan weeraro uga yimaada shabaabul Mujaahidiin kadib markii duqeyn Mareykanku uu fuliyay lagu dilay Sheekh Abuu Zubeyr kadibna lamagacaabay Amiir cusub.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items