Dagaallo Culus oo Markale Ka dhacay Xaafado Katirsan Magaalada Muqdisho.

Sunday September 14, 2014 - 08:46:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Culus oo Markale Ka dhacay Xaafado Katirsan Magaalada Muqdisho.

    Dagaallo Xoogan oo la isku adeegsaday hubka Culus iyo kan fudud ayaa xalay fiidkii ka dhacay qeybo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo Xoogan oo la isku adeegsaday hubka Culus iyo kan fudud ayaa xalay fiidkii ka dhacay qeybo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan shabaabul Mujaahidiin ayaa  Weerar xoogan ku ekeeyay saldhig ciidanka BS-ta ku leeyihiin degmada Hurwaa ee Muqdisho.

Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab waxay xalay  ku dagaalamay gawaarida Dagaalka ayaa weeraray fariisinka Ciidanka Bs-ta kuleeyihiin Sarta qabyada ee Suuqa Xoolaha Muqdisho.

Dadka ku dhaqan degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa warbaahinta u sheegay in xalay fiidkii ay maqlayeen daryanka rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac isdhaafsanayeen.


Shabaabka ayaa umuuqda kuwa sii laba jibaaray howlgaladooda Muqdisho xili laamaha amaanka dowladda ay isku dayayaan inay ka hortagaan weerarada Shabaabka.

Sheekh Max'med Xuseen Cali Jabal waaliga Banaadir ayaa horay u sheegay in mujaahidiintu ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah dowladda Federaalka iyo shisheeyaha wehelka ah.

Related Items