Carruurtaan 12 ka ah iyo macalinkooda ayaa horraantii
isbuucii tagay u damaashaad tagay mid kamid ah buuraha loo dalxiiska tago ee
kuyaalla mandiqadda Shiyang Rey ee dhacda woqooyiga wadanka Thailand, balse
intii kuguda jireen buurta ayay roobab xoogani ka da’een gadaashooda kuwaas oo
sababay in ay ku go'domaan buurta hoosteeda.
Dowladda Thailand oo kaashaneysa Khubaro caalami ah
ayaa biloowday howllaha loogu gurmanayo caruurtan laba maalin kadib markii la
helay goobta ay ku go’doonsan yihiin, laakin dowladu waxa ay sheegtay in soo
bixintooda ay tahay mid aad u halis badan aysan suurta gal tahay in ay qaadato
mudo isbuucyo ah.
Ciidanka Badda Thailand ayaa dhowr jeer isku dayey inay
carruurta gaaraan, iyagoo isticmaalaya qalabka dabaasha, maadaama dhulka ku
xeeran buurta ay carruurtu kujiraan ay maasheeyeen Biyo fara badan, isku
dayadaas ayaana sababay in mid kamid ah saraakiisha ciidankooda gaarka ah uu ku
geeriyoodo biyaha.
Carruurta iyo macalinkooda ayaa kujira god weyn oo kanqodan
mid kamid ah buuraha halkaas ku yaala hoostooda, waxaana la sheegaya in
Masaafada ay gudaha u galeen ay dhantahay 2 Km oo buurta hoosteeda ah, in
lagaarana ay qaadaneyso 3 saac oo dabaal ah.
Sarkaal katirsan kooxaha gurmadka degdega ah ee
xukuumadda Thailand ay arrinkaan u xilsaartay ayaa sheegay in howsho aysan
sahal ahayn loona baahan yahay in caruurta mid mid loosoo saaro, taas oo laga
yaabo in badbaadinta halkii cunugba ay qaadato 11 saac oo xiriir ah.
Howlaha Badbaadinta carruurta ayaa si toos ah u
bilowday shalay aroorti hore, intii ka horeysayna waxaa lagu guda jiray,
sahminta iyo diyaarinta qaabka loosoo badbaadin karo iyagoo badqaba, isla
shalayna waxaa lagu guuleystay in lagasoo saaro godkaasi 4 kamid ah carruurti
halkaa ku jrtay.
Caqabada hor taagan in caruurta mar qura lagasoo bixiyo
buurta hoosteeda ayaa lagu sheegaya inay kamid tahay, Biyaha oo aad u badan,
dariiqa la isticmaalayo oo ah mid ciriiri ah, masaafada oo aad udheer ayna suurta
gal tahay in caruurto ay dabaalan waayan, maadama jirkooda uusan u diyaarsaneyn
iyo Oxghinka oo ku yar dhulka buurta hoosteeda ah.
4ta caruurta ah ee lasoo badbaadiyey ayaa la dhigay
isbitaal caafimaad o kuyaaala wadanka Thailand, waxaana lagu wadaa in manta kuwa kale lasoo badbaadiyo, balse waxaa
jirto cabsi xoogan oo laga qabo roobab la sheegayo in mandiqada ay kusoo
wajahanyihiin, kuwaas oo ay suurta gal tahay inay hor istaagaan howlaha
badbaadinta caruurta kale ee halkaas ku go’doonsan.
badbaadinta 8 caruurta ah iyo macalinkooda ee kuharay buurta hoosteeda ayaa laga yaaba inay qaadato 3 ilaa 4 maalin oo kale, hadii aysan bilaaban roobabka laga cabsida qabo, sida ay sheegayaan masuuliyiin katirsan xukuumada Thailand.
Dowladda Thailand Oo Sheegtay in Meel dhexe uu Marayo qorshaha lagusoo Badbaadinayo Carruurta Godka ku Go'doonsan
Wadanka Thailand ee dhaca qaaradda Aasiya Warar laga helayo ayaa sheegaya in lasoo badbaadiyey 4 kamid ah 12 carruur ah iyo macalinkooda oo ku go'doomay mid kamid ah buuraha wadankaas kadib markii fatahaado xooggan ay halkaas ka dheceen.