Ciidamada Al Shabaab oo Dib Ula Wareegay Deegaanno Hor Leh oo Galguduud Katirsan.

Sunday September 14, 2014 - 10:38:15 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo Dib Ula Wareegay Deegaanno Hor Leh oo Galguduud Katirsan.

    Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay saacadihii lasoo dhaafay qabsadeen degmo iyo deegaanno muhiim ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay saacadihii lasoo dhaafay qabsadeen degmo iyo deegaanno muhiim ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay isku fidiyeen dhowr deegaan oo ciidanka Itoobiya ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen.

Deegaanadka gacanta Al Shabaab dib ugalay waxaa kamid ah Ceel-qooxle,Ceel-lahele Maalin Nugur,Bulacle,Oodweyne iyo Dabdheere oo dhammaantood udhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Dhinaca kale boqolaal qof ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan magaalada Ceelgaras oo shalay dagaal loogala wareegay ciidamada Gumeysiga Itoobiya.


Sheekh C/caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka XSHM oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidankoodu ay dib uqabsadeen dhul baaxad leh islamarkaana ay dhabarka ka jebiyeen soo duulayaasha Itoobiya.

Related Items