Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Ka Dhacay Hareeraha Madaxtooyada Villa Somalia.

Saturday July 14, 2018 - 12:48:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Ka Dhacay Hareeraha Madaxtooyada Villa Somalia.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar xooggan oo ka socda agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar xooggan oo ka socda agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu howlgal ballaaran ka wadaan inta u dhaxeysa Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada oo ah goob ay ku shaqeeyaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal culus ka wada xarumaha murtadiinta ee kuyaal Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyad,  howlgalka Mujaahidiinta ayaa sidii loo qorsheeyay u socda wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa haddii alle idmo" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in laba qarax lala helay bar koontarool kadibna rag hubeysan ayaa gudaha ugalay xarumo bartilmaameed u ahaa oo kuyaal meel ku dhow madaxtooyada.

Sabtidii lasoo dhaafay 7,July,2018 ayey aheyd markii weerar aad u xooggan lala beegsaday xarunta Ota Ota oo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha ammaanka iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka weerarkaas oo sababay dhimashada saraakiil iyo shaqaale dowladeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items