Al Shabaab Oo Xeebta Baraawe Ku Duqeysay Markab Urarnaa Ciidamada AMISOM.

Sunday July 22, 2018 - 21:43:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Xeebta Baraawe Ku Duqeysay Markab Urarnaa Ciidamada AMISOM.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday Markab sahay usiday ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada Baraawe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday Markab sahay usiday ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada Baraawe.

Wararka ka imaanaya shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ba'an uu lakulmay Markab maanta gelinkii dambe kusoo xiran lahaa dekadda Macmalka magaalada Baraawe.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in markii uu Markabku kusoo dhowaaday dekadda Mar qura ay madaafiic dhowr jiho ah kasoo dhacaysay ku hoobatay kadibna si dirqi ah ayuu uga durgay xeebta.

Markabka ayaa sahay iyo raashin usiday ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM kuwaas oo hareereyn dhanka Barriga iyo badda ah kala kulmaya Shabaabul Mujaahidiin.


War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay madaafiic ku beegsadeen Markab ku sugnaa Xeebta Baraawe "Ciidamada Mujaahidiinta ayaa madaafiic ku beegsaday Markab sahay usiday ciidamada Kufaarta Afrikaanta xilli uu kusoo xiran lahaa dekadda Baraawe waxaana lagu qosbay in uu dib ulaabto" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Taliska ciidamada AMISOM oo ku aaddan duqeyntan loo geystay Markabka sahayda usiday ee ku xiran lahaa dekadda Magaalada Baraawe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items