Askar Katirsanaa DF-ka oo Lagu Dilay Gudaha Degmada Diinsoor Ee gobolka Bay.

Sunday September 14, 2014 - 19:26:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Katirsanaa DF-ka oo Lagu Dilay Gudaha Degmada Diinsoor Ee gobolka Bay.

    Maxkamadda wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ayaa maanta xukun dil ah ku ridday askar iyo saraakiil katirsanaa Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ayaa maanta xukun dil ah ku ridday askar iyo saraakiil katirsanaa Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

Fagaara kuyaal magaalada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa lagu toogtay laba qof oo lagu helay in ay lashaqeynayeen DF-ka iyo ciidamada Xabashida Itoobiya.

Qaadiga Maxkamadda wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool oo warbaahinta u akhriyay xukunka ay muteysteen eedaynayaasha ayaa sheegay in ciidanka mujaahidiinta ay tuulada Buula Xaawo ee duleedka degmada Bardaale kasoo qabteen askari katirsanaa ciidanka DF-ka islamarkaana la shaqeynayay ciidanka Xabashida Itoobiya.


Sidoo kale sarkaal PS-ta katirsan oo lagasoo qabtay dhanka degmada Tayeegloow ayaa kamid ahaa labada qof ee maanta gelinkii dambe Diinsoor Lagu toogtay.

Mas’uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa digniin udiray kuwa la shaqeeya Itoobiya

Related Items