Khasaara Xooggan oo AMISOM Kasoo Gaaray qaraxyo iyo Weeraro Ka Dhacay Buula Mareer.

Monday September 15, 2014 - 12:07:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Khasaara Xooggan oo AMISOM Kasoo Gaaray qaraxyo iyo Weeraro Ka Dhacay Buula Mareer.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaanno katirsan shabeelaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaanno katirsan shabeelaha hoose.

Qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Golweyn ayaa sababay burbur gaaray gaari nuuca saadka qaada ah oo ay wateen ciidamada gumeysiga AMISOM.

Sidoo kale qarax saaka aroortii ka dhacay gudaha degmada Buula Mareer ayaa burburiyay gaari nuuca Taawga ah oo ay wateen ciidanka shisheeye.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhammaan ciidankii gaariga la socday ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen,dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta ayaa xalay fiidkii weeraro ku ekeeyay saldhigyada cadawga ee gudaha degmada Buula Mareer.

Related Items