Booliska Kenya oo Toogtay Qof Muslim ah iyo Xiisado Ka Aloosan Mombaasa.

Monday September 15, 2014 - 18:58:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Kenya oo Toogtay Qof Muslim ah iyo Xiisado Ka Aloosan Mombaasa.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada booliska wadankaasi ay weerar fashilmay ku qaadeen guri ku yaal gobolka Xeebta kulaala ee xaruntiisu tahay magaalada Mombaasa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada booliska wadankaasi ay weerar fashilmay ku qaadeen guri ku yaal gobolka Xeebta kulaala ee xaruntiisu tahay magaalada Mombaasa.

Ciidamada Ashahaadda ladirirka Kenya ayaa shalay weeraray guri ay leeyihiin qoys muslimiin ah ku leeyihiin jaziiradda Mombaasa,Jiifri maayk oo kamid ah saraakiisha booliska xukuumadda kirishtanka Kenya ayaa sheegay in ciidanka oo aad uhubeysan ay xoog ku galeen guriga si ay usoo qabtaan ruux ay uga shakiyeen in uu katirsan mujaahidiinta.

Rag muslimiinta katirsan oo ku sugnaa guriga ayaa iska cabin adag muujiyay taasi oo sababtay in qofkii ay doon doonayeen boolis gaaleedka Kenya uu goobta isaga baxsado.


Guddiga muslimiinta Kenya ayaa xaqiijiyay dilka qof rayid ah balse saraakiisha Kenyaatiga ah waxay ku adkeysanayaan in qofka dhintay uu watay Bambaano isaga ku qaraxday.

Warbaahinta Kenya waxay baahiyeen in ciidanka ammaanka ay ku fashilmeen soo qabashada ruux ay bilihii lasoo dhaafay doon doonayeen kaasi oo ku eedaysan abaabulidda weeraro lagu dilay gaalo dalxiisayaal reer Yurub ah weeraradaasi oo horseeday in kumanaan dad gaalo caddaan ah ay isaga cararaan magaalada xeedda Mombaasa.

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Mombaasa Ropert Kiitoor ayaa warbaahinta u sheegay in xoogag islaami ah ay khal-khal ku hayaan ammaanka Kenya.

"Booliska waxaa si dirqi ah uga baxsaday ruux tababar kusoo qaatay soomaaliya dhowr weerarna ka fuliyay magaalada Mombaasaā€¯ayuu yiri taliyaha boolis gaaleedka Mombaasa.

Bishii Juun ee lasoo dhaafay ayay rag hubeysan Mombaasa ku toogteen haweenay udhalatay dalka Ruushka iyo mid kale oo udhalatay dalka Jarmalka iyagoona dhaawacay qof kale oo Yugaandheys ah.

Ammaanka Kenya ayaa sanadadii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay tan iyo markii ay ciidanka Kenya kusoo duuleen soomaaliya sanaddii 2011-ka,madaxda Kenya ayaa aaminsan in kumanaan qof oo muslimiinta Kenya katirsan ay taageersanyihiin xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayna ka gacan siiyeen dhowr weerar oo gudaha dalka ka dhacay.

Related Items