Ururk ONLF Oo Joojinaya Dagaalkii Uu Kula Jiray Dowladda Itoobiya.

Monday August 13, 2018 - 08:34:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururk ONLF Oo Joojinaya Dagaalkii Uu Kula Jiray Dowladda Itoobiya.

    Ururka ONLF ee ka dagaallamayay dhulka Somaligalbeed ee Itoobiya gummeysato ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay dagaalkii uu kula jiray ciidamada Xabashida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka ONLF ee ka dagaallamayay dhulka Somaligalbeed ee Itoobiya gummeysato ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay dagaalkii uu kula jiray ciidamada Xabashida.

Warsaxaafadeed shalay kasoo baxay Hoggaanka Ururka ayaa lagu iclaamiyay Xabad joojin hal dhinac ah saacado kadibna mas'uuliyiin Ururka katirsan ayaa iska xaadiriyay magaalada Addis Ababa.

C/qaadir Hirmooge Caddaani oo ah Afhayeenka ONLF oo hoggaaminaya wafdiga Addis gaaray ayaa BBC-da u sheegay in ujeedkoodu yahay in ay wadahadal lagalaan R/wasaaraha Itoobiya Abeey Axmed.

Wuxuu sheegay in Ururkoodu ay joojiyeen howlgalladii melleteri ayna ujiheysan doonaan dhanka wadahadallada iyo Nabadda sida uu hadalka u dhigay, isbedelka dhanka maamulka ah ee ka dhacay magaalada Jigjiga ayaa larumeysanyahay in ujeedooyinka lagala lahaa ay kamid aheyd in ONLF lagu biiriyo dowladda gummeysiga Itoobiya.


Sanaddii 2007 ayay dowladda Itoobiya dhistay maleeshiyaadka Liyuu Boolis kuwaas oo loogu talagalay in ay burburiyaan Ururka ONLF iyo Jabhaddii islaamiga ee Markii dambe isku dhiibtay Males Zenaawi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items