SHAAGLE LAGA BAQAY!! W/Q Suldaan Garyare

Tuesday September 16, 2014 - 11:34:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHAAGLE LAGA BAQAY!! W/Q Suldaan Garyare

    بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraaga Max'med Suldaan Garyare allaha dhowro
بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين  


Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Waxa beryahanba sidii haad geed waayey harsan waayey, madaxda reer Galbeedka ee xumaanta iyo nacaybka Islaamka iyo Muslimiintaba ku midoobay. Madaxdaas waxa kamid ah John Kerry oo in le’eg ama kabadan 3 jeer booqashooyin ku tagey bariga Dhexe bil qura, isaga oo marwalba taxaaluf iyo gaashaanbuur u raadinaya in lala dagaallamo Dawladda Islaamka ee dhul badan oo dhulka Islaamka ah ka talisa, nidaamkii iyo kala dambayntii Islaamkii amrayey Muslimiintana soo celiyey, nidaamyadii daaquudka ahaa ama xaqdarrada ahaana ka suuliyey.



Galgalashada iyo qar iska xoornimada reer Galbeedka, Maraykankuna hor boodayo, ma ahaan doonto mid guulaysta, waxaana sabab u ah dhawr arrimood, oo ay farsamo xumo ka muuqato, marka laga reebo in aan marnaba iftiinka ama Nuurka Alle(swt) aan cidina dumin karin.

Farsamo-xumooyinka hadda ay la kulmeen kooxdan qawlaysatada ahi waxaa kamid ah:

Ninka Nusayriga ah, Bashaar Al-asad, ee gumaadka Muslimiinta reer Shaam ku haya, lagana reebay taxaalufkan ayaa markiiba diidmo ka muujiyey in la duqeeyo, dhulka Suuriya, maaddaama laga reebay shaqadii uu qaban lahaa.

Taasi waxa ay sabab u noqotay in Ruushka, oo ay beryahaanba reer Galbeedka isku xun yihiin uu fursaddaa ka faa’iideysto, isaga oo ku tilmaamay ku xadgudub lagu sameeyey sharciga caalamiga ee dalalka ku jiraQarammada Midoobay, Suuriyana kamid tahay.

Alle(swt) markii uu tilmaamayey caqliga iyo damaca gaalada, wuxuu kitaabkiisa Quraanka ku xusay, gaarahaan Suuratul- Xashar ”sida ay marwalba aan gaaladu ugu kala duwan yihiin danahooda iyo rabitaankooda, laakiin loo malaynayo in ay ku midaysan yihiin xumaantiina haddii aad Muslimiin tihiin, ayna yihiin qoom aan waxba fahmayn”

لا يُقَاتِلُونَكُمْ جَمِيعًا إِلَّا فِي قُرًى مُحَصَّنَةٍ أَوْ مِنْ وَرَاءِ جُدُرٍ بَأْسُهُمْ بَيْنَهُمْ شَدِيدٌ تَحْسَبُهُمْ جَمِيعًا وَقُلُوبُهُمْ شَتَّى ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لا يَعْقِلُونَ

Sida Suuradan ku cad, waxa aad arkaysaan in aan nimankani ku waano qaadan wixii dhacayey labaatankii sano(20), ee taariikhda ugu dambaysay, waayo waxa ay usoo joogeen, oo indhahoodu arkayeen dharbaaxooyin cad-cad, oo ku dhacay kuwii iyaga maamullada ugu horreeyey, kaddibna ay ku sandullaysay in ay maalin cad meelo badan isaga carraabaan ama ka cararaan.

Meelahaa waxa kamid ah Ciraaqda ay maanta gaashaanbuurta u raadsanayaan qudheeda, waxyaalaha la is weydiin karo ayaa waxa ay tahay: Ciraaq miyeysan ahayn tii ay shalay ka caalwaayeen, oo weliba maanta ka maco iyo maaddiba wayn?.

Caqabadda labaad ee hortaagan ayaa iyana ah dawladda Iiraan:Iiraan oo beryahanba isu aragtay in ay tahay mudane aan looga maarmin arrimaha Bariga Dhexe, ayaa dhegta loogu sheegay in aysan hadda wax dowr ku lahayn taxaalufkan cusub, ee dawladda Islaamka lagaga hortagayo. Iiraan, oo aan beryahanba hadlin ayaa hal mar la soo boodday in taxaalufkan lagaga hortagayo dawladda Islaamka, Iiraanna ka maqantahay uu yahay luggooyo hor leh, Bariga Dhexena lala maaggan yahay.

Caqabadda saddexaad ayaa iyana ah dalka Turkiga:Turkiga oo uu dhawaan madaxnimadiisa ku guulaystay Dayib Ordagan, reer galbeedkuna ugu yeeraan ‘Xiddiggii Bariga’ iyaga oo u duur-xulaya in uu yahay nin u janjeera jacaylka iyo wax la qabsashada reer Bariga ee Muslimiinta, ayaa isna su’aal geliyey kamid ahaansha gaashaanbuurtan lagaga hortagay Islaamka fidaya.

Turkigu hadda dano badan oo siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa la aaminsan yahay in uu la leeyahay dawladda Islaamiga, waayo waxa gacanta Dawladda Islaamiga ah ku jira diblomaasiyiin (Diplomats) badan, Turkigana u dhashay, gacanta Dawladda Islaamiga ahna galay markii Dawladdu ay furatay magaalada Moosal, oo hadda ah caasimadda Muslimiinta adduunka.

Turkiga oo kamid ah gaashaanbuurta NATO, ayaa sabab ka dhigtay ka baaqsashada dagaalka dawladda Islaamiga ah, in aanu ciidan u dirayn ilaa ciidammadda NATO, ee xagga dhulka ay gudaha Ciraaq galaan, taas oo aan ilaa imminka caddeyn in NATO ciidammo lugta ah gelin karto dhulka ay dawladdu ka aarimiso, iyaga oo og waxa ay markiiba la kulmayaan.

Saddexdaa caqabadood markii laga soo tago, waxa iyana cabsi iyo quus ka muujiyey in lagu degdego weerarka dawladda Islaamiga ah madax dawladeed iyo falanqeeyayaal siyaasadeed iyo mid ciidanba.

Ugu horreyn Vladimir Putin, madaxweynaha dalka Ruushka ayaa u arka in dawladda Islaamiga ah la weeraro ay tahay mid sii abuuri karta dawlado Islaami ah oo dhawra, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yiri

"A joke making the rounds among Russian officials and hacks who take a keen interest in what is going on in the Middle East these days goes something like this: How will the Yanks deal with the Islamic State group? They will create "Islamic State 2", a bigger and better armed group, and let it deal with the original Islamic State group. And what happens when "Islamic State 2" turns against them as it happened with the original Islamic State? They will create "Islamic State 3", and so on.

Hadalka Putin, oo u’eg ciyaar iyo jeesjees uu kula kacaya madaxda Maraykanka ee waalatay iyo waxa ay la kulmi karaan dhawaan markii ay wajahaan dawladda Islaamiga ah.

Bishara Marwan oo ah muxalli siyaasi ah, weriyana ka ah Aljazeera, qaybteeda afka-ingiriiska ayaa isna maqaal dheer ka qoray qar iska tuurnimada reer Galbeedka iyo caloolla weynta Carabaha ee ay hadda dabka lagu daarayo.

Marwan waxa uu qoraalkaa cinwaan uga dhigay ‘Obama’s unstrategy strategy’oo ah ‘qorshe xumada qorshaha Obama’.

Marwan oo la-yaabban qorshe xumada Obama ayaa is weydiinaya waxa uu Obama difaacayo iyo sida uu marwalba u yahay mid is-bedbeddelaya, taas oo u muuqata in uusan Obama lahayn go’aan siyaasadeed oo ku wajahan dawladda Islaamiga ah, taas oo u muuqata in uu marwalba madaxa meel la dhacayo.

‘I was speechless for a brief moment after listening to US President Barack Obama's landmark speech about a new strategy against the Islamic State group.Why, I wondered, after 154 air strikes; after meagre support for the "moderate" Syrian opposition and the same towards the new Iraqi government, the US president declares a new strategy that comprises the same menu? Didn't he say only a few days ago that he had no strategy? Is one to conclude that the commander-in-chief has concocted a strategy out of the already tried, ad hoc, piecemeal policies that clearly didn't work? More importantly, why would he announce it at this time?’.

Cardinal Fernando Feloni oo ah u qaybsanaha arrimaha Ciraaq ee Popeka Kaniisadda Vetikan ee 12aad, PopePius XII, ayaa isna caloolxumo ka muujiyey cawaaqib xumada ka imaan karta haddii la weeraro dawladda Islaamiga ah, isaga oo u arka in dagaalkii Saddexaad ee dunida uu soo degdegayo, kaas, oo loo fahmi karo in Masiixiyadda caalamka iyo Shayuuniyaddaba gabbal dheceedi soo muuqdo, dareenkaasna uu qabo Shaydaankani.

Filoni, oo hawsha loo diray ay tahay in uu indhaha caalamka ka gado beenta iyo borobagaandada ay reer Galbeedku ku indho sarcaadinayaan caalamka intiisa kale, taas oo ah in dad Masiixiyiin ah Ciraaq lagu laayey, laguna qafaashay iyada oo diinta Islaamka lagu khasbayo, taas oo dhanka kale caalamka lagaga sii jeedinayo, tacaddiyada Yuhuuddu maalin walba iyo saacad walba ay u gaysanayso Muslimiinta reer Falastiin, daboolkana la saarayo.

Qormadan yar waxa aan ku soo afmeerayaa, waxa aynu maalmo dhow arki doonnaa iyada oo Bariga Dhexe oo dhan ay gacanta u gashay dawladda Islaamiga ah, meelaha hadda gacanteeda ka maqanna, sida dalalka Khaliijka ama gacanka, oo dab la qabadsiiyey, rukummo badan oo gaalo meesha markii horeba taag-taagtayna la burbursho sida Ciraaq iyo Suuriyaba loo burburiyey xad beenaadka ay dhiseen gumeystihii reer Galbeedka ahaa ee dunida Muslimka qaybqaybiyey sida xad beenaadkii ay sameeyeen labadii wasiir arrimo dibadeed ee Sir Mark Sykes iyo François Georges-Picot. Labadan wasiir arrime dibadeed ayey ahaayeen raggii dhisay xad-beenaadyada hadda dunida Muslimka ah kala qaybiya ee weliba Bariga Dhexe ku yaal, kaddib markii ay dumiyeen Khaliifadii Islaamka ee Cusmaaniyada 1916kii.

 

 

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)


Related Items