Askar Katirsan DF-ka Oo Lagu Dilay Xaafado Katirsan Degmada Hodon.

Monday August 20, 2018 - 18:49:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Katirsan DF-ka Oo Lagu Dilay Xaafado Katirsan Degmada Hodon.

    Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho loogu geystay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho loogu geystay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerar hubaysan oo ka dhacay agagaarka Jaamacaddii Gaheyr ee degmada Hodon ayaa sababay dhimashada ugu yaraan hal askari, goob joogayaal ayaa sheegay in raggii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Dhinaca kale xoogag bastoolado ku hubeysan ayaa xaafadda Taleex ee isla degmada Hodon ku khaarijiyay mid kamida ciidamada meleteriga Dowladda, ragga weerarka geystay ayaa horay usii qaatay qori AK47 ah oo uu watay askariga ladilay.

Dhammaan weeraradan waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items