Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Hodon.

Monday August 27, 2018 - 16:04:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Hodon.

    Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo lagula eegtay gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax ka dhacay Hodon
Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo lagula eegtay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka, goob joogayaal ayaa sheegay in jugta qarax aad u xooggan ay ka maqleen agagaarka isgoyska Albarakaro ee degmada Hodon.

Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa halka sedax kale ay ku dhaawacmeen, xarakada Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxa ka dhacay meel ku dhow isgoyska Albarako.

Dilalka qorshaysan iyo qaraxyada lagu beegsado askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa si joogta ah uga dhaca degmooyinka gobolka Banaadir waxaana fashilmay isku dayo ay hoggaanka DF-ka ku sugayeen amnnaaka magaalada caasimadda ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items