Diyaarado Meydad iyo Dhaawacyo Ka Daabulay Magaalada Garbahaarey.

Wednesday August 29, 2018 - 12:23:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado Meydad iyo Dhaawacyo Ka Daabulay Magaalada Garbahaarey.

    Khasaara xooggan ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya uu kasoo gaaray dagaallo iyo qaraxyo sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay lagula beegsanayay deegaanno katirsan gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya uu kasoo gaaray dagaallo iyo qaraxyo sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay lagula beegsanayay deegaanno katirsan gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha degmadaasi ay saaka soo caga dhigteen illaa sedax diyaaradood oo melleteriga Itoobiya leeyahay.

Diyaaradaha ayaa Meydad iyo dhaawacyo ka daabulay garoonka sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Garbahaareey oo diiday in magacooda la adeegsado.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in habka ciidamada Itoobiya ee shalay gaaray Garbahaareey ay geeyeen Meydad iyo dhaawacyo badan kadibna diyaarado melleteri looga dalbay dhanka degmada Godeey oo uu kuyaal taliska dhexe ee melleteriga Xabashida.


Weerar Madaafiic ah oo xalay maqribkii lagu beegsaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Garbahaarey ayaa la xaqiijiyay in uu dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Xoogaga Al Shabaab ayaa weeraro dhabbagal ah ciidamada Itoobiyaanka kula beegsaday wadada xiriirisa degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaareey, ciidamada Itoobiya ayaa marwalba oo ay saad isku gudbinayaan lakulma weeraro jidgal ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items