Gabay ku saabsan Wariyaasha Seefta Xasan Sheekh Saaran tahay.

Wednesday September 17, 2014 - 10:33:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gabay ku saabsan Wariyaasha Seefta Xasan Sheekh Saaran tahay.

    Gabay ku saabsan Wariyaasha Seefta Xasan Sheekh Saaran tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabay ku saabsan Wariyaasha Seefta Xasan Sheekh Saaran tahay.

Assalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Allaah baa mahad oo dhan u sugnaatay Nabad gelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

gabaygaan oo la yiraahdo Sumal indhool ah wuxuu ka hadlayaa taageeradii qaladka ahayd ee wariyaasha soomaaliyeed qaarkood u fidiyeen madaxweynaha maqaar saarka ah ee gaalada u shaqeeya Xasan Sheekh Maxamuud iyo waxa uu ugu abaal guday oo ah xabsi iyo jirdil iyo in Idaacadihii taageeri jiray qaarkood uu xiro.



gabayga ayaan ku muujiyay in doqonku geedkuu harsanayo adigoo waabaya in uu seedaha kaa jarayo sidaasna wuxuu ula dhaqmaa ciddii wax u gasha ileyn soomaalidu waxay tiraahdaa nin aad kobtiisa yeeleyso oo karfantaada tolaya ayaa jira'e.

waxaa kale oo gabaygu cadeynayaa in Xasan Sheekh bakheyl yahay oo aanay looga fadhin waxa ay ku raaceen oo ah hunguri.

intaanaan maansada u guda gelin wariyaasheenna Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa in ay sumcadooda ilaashadaan ayna xasuustaan in aakhiro naga dambeyso carrabkuna uu ka mid yahay xubnaha sababa in qofka cadaabta lagu tuuro.

waxaa kale oo aan kula talinayaa in aanay taariikh madow isu horseedin oo aanay cadawga la shaqeyn sid gaalada iyo intii daba socata wixii hadda ka hor ay geysteenna ay Allaah ka dembi dhaaf weydiistaan.

iminkana ku soo dhawaada gabaYga SUMAL INDHOOL AH oo ku bilaabanaya

Ninka baqal dusheed saaraya salabo guud dheer leh,

Ee senge inuu beder la galo saabka uga taalo,

Sambacaa inuu liidayoo sarin yahaan sheegay,

Naag mara siloon xirata oon suuqa laga waayin,

Oo hooteel u sooftiyo halkii saani lagu sheego,

Asigoo surunkey martaba sal iyo baar haaya,

Qabxaddaa sokeeyeheed ninkii sooryo uga geeyay,

Ee sodon halaad dhiibay iyo saanad iyo geenyo

Sambacaa inuu liidayoo sarin yahaan sheegay.

Nin qabri salaaxee baryee sabacaduu hoorshay,

Ee salli garabkii dhigtee una sajuudaaya,

Ee sagaashan maalmood iyo saa’id dhinac joogay,

Sogobna u gowraca iyo sulub iyo giir yar,

Caafimaadka saas uga rabiyo ubad inuu siiyo,

Samcabaa inuu liidayoo sarin yahaan sheegay,

Abwaankii sanuud loo qarshee saar u tuma gaalka,

Ama saaruf loo iibiyee saaxirka adeeca,

Sambacaa inuu liidayoo siran yahaan sheegay,

Maamulkaan saliibiga ku laran ama ku saysaaban,

Sidigtaan maraykan ku tolan yurubna soo daaqda,

Nimankaa suleegee sharciga samaawigaa diiday,

Soohdimiha nimankaa jaree suudi nagu ooday,

Saaxiibkii cadawaha na dhibay iyo sirdoonkiise,

Seerigaa shisheeyaha kuwaa saac waliba yeerin,

Nimankaa saqiir iyo kabiir sama ka dhowraaya,

Ee surunkii gaalada bulshada yiri sax weeyaaniin,

Suxufigii wanaag in ay sidaan saa’id ula booyay,

Ee diifka siiminahayee malaxda seyraayay,

Indhahana gaduud saarmayoo ilmo soconeysay,

Oo haddeer salaw iyo walaac la sal dhigi waayay,

Sambacaa inuu liidayoo siran yahaan sheegay.

Labadii samaan wada nacee xuma ku saaxiiba,

In ibliis sarreeyaa waxay Samir u yeeshaanba,

Kol umbey kala siqa hayaan kalana soocdaane,

Oo xarkihii ay soohayeen kala sibxaayaane,

Sabbaaxad iyo dibir iyo sigasho waa meele,

Hunguryaha mid baa laga saraa lagana siibaaye,

Seefta xasan sheekh wixii ay culumo saaftaaba,

Sunna ruuxi muujiya wixii lagu salaamaaba,

Wax mujaahid ay sarar jartaa ama surkii goyso,

Waxay jowjo dhuunteed iyo sabiga leeftaaba,

Saq dhexiyo dharaartii iyo subax ooggiisa,

Waxay dhiigga saacii waliba ku dhex socataaba,

Waxa maanta ay saaran tahay Saxafiyiintiiye,

Saqajaanki ay qaaliyeen saa’ilka cirroobay,

Sharecada ninkii suulinteedduunyo lagu siiyay,

Saariqaa maraykan wattee hagaya saaruuqa,

Sama kaab inuu yahay waxay shalay ku sowdaanba,

Saxariir miyuu baday iyo silic maryaad xoog leh?

Sarmaankow harsaayo ninkaad sare ka waabeyso,

Ee dhambala sameysa iyo maro u saareyso,

Hadduu suulka kaa jara hayiyo seedka lugahaada,

Haddii uu sakiin kugu qalo ee sunsumo dhiigu,

Sas iyo xanuun baa ka dhalan saaqa noloshaaye,

Ha yeeshee hadaan kuu sawiro waxa sidaa keenay,

Doqon soo dhaweyntii iyo samafalkii weeye,

Intaasuu ku sooraa qofkii beri wax siiyaaye,

Dorraad kuwuu sacbaayow dhamaan maanta solayaaye,

Kuwii daba saloognaa jiruu ku sennefayaaye,

Ninkaad shalay siddeen ood dhahdeen kani suldaan weeye,

Abaalkiin inuu saas ka dhigay saacaan garateene,

Waadinkaa sakaar iyo wadnuhu idin sabbeeyaane,

Sariir iyo firaash lama arkiyo seexad sharafeede,

Sibir iyo gogoshiinnu waa iyo siigo iyo boore,

Salbukiyo sarreen iyo galley sarara geedeysan,

Solay iyo suqaar iyo caddiin suusac iyo dhaayda,

Soor iyo wixii dhadhan iyo suunan lagu sheego,

Sed macaan in ay dheefsadaan amare ka soo saarye,

Sibrihiyo dhexdaa godan iyo weliba saableyde,

Sarta iyo waxaa laga baxaa haragi saarnaaye,

Sanka iyo waxaa laga bukeyn sinaha meeshoode,

Suun iyo waxaa lala dhacaa saandal iyo buude,

Doqonbaa birtii lagu sar sari soofa mariyaaye,

Sharuucdii ay suuq geyn hayeen sadarradii gaalka,

Sanawaad xaruuftay wadeen soomaaliyeey qaata,

Suxulliyo lugihii gashade siriqdi qoolneyde,

Subaxdii ay naadina hayeen saatan ma ogeyne,

Ha yeeshee haddii saatirkey tan ka salaameeyo,

Seyladdaa qabyaaladda iyo gaal la socodkiisa,

Iyo sanuud hadal lagu baxshay suuqa gelintiisa,

In aanay ku suuleynin baan saadinahayaaye,

Saadambiyo waxay berri la imaan waa la sugayaa dheh.

Sumalkii indhooluhu idaha wuu la soca yaaye,

Sanqadhiyo wuxuu raacayaa saanta jabaqdeede,

Ha yeeshee inuu sahal ku cuno aarka sahankiiye,

Sumeyn inuu kudoo heelanoo sugi wuxuu moodo,

Micayaha kolkii lagu simow sax u garayaaye,

Adinkuna sidaas baad tihiinsaad u badan tiine,

Hadaan sabab u yeeloo middaa sumad idiin raacsho,

Sargaantiyo burkaan idinku dhacay idinna saameeyay,

Saan saantii hore iyo ma garan hadal sarbeebkiiye,

Qowlkii saraakiisha ee sogordah loo yeelay,

Beerimayaad sugeyseen iyo siismo lacageede,

Seerigu kol kuu yeeray baad saxda garateene,

Afkiinuu wuxuu sowd xun iyo caay sul sulisaaba,

Jihaadka ninkii saan u roga waxaad saluugtaanba,

Sumcad iyo sharaftii waxaad siigo mariseenba,

Nimankii suweyn raacayee seyedki dhaamaayay,

Sidoodii wixii aad fashaan kama sokeysaane,

Saxarada hadalo ka dhagin wixi aad seyrtaamba,

Sandareerto aawgeed waxaad samaha diidaanba,

Ninkaad saarsaneyd miyaa soofki bixi waayay?

Sanduuqiyo selledii miyuu senti geli waayay?

Sankor iyo saliid may helaan sabayadiine,

Sumbuus iyo cajjiin may gataan subag warkii daaye,

Saboolnibada laabtaa qofkii ay ku siliteyso,

Ninki suus ka doonaan ka helin sacab muggiisiiye,

Xasan sheekh saqi kii u qaba ama sed weydiiya,

In sibraarka loo buuxiyaa lama sugaan weeye,

Idinkuna sifir baad tihiin mana samreysaane,

Sadaadi idin gaadhayaad sabar wareegtaane,

Sareedada halkii laga jershaa suluf ka muuqdaaye,

Sal juglana idiin dheer iyo siiro xuma weyne,

Sebenkaan in aad sharaf jabteen saaray qalinkiiye,

Ka socdaala suuligaad degtaan saatan laga roone.

Intaasii sifeeyee hadaan hadalka soo kooba,

Ka subxaanallaah howla aad ku socataane,

sibiq bay bideeru ku geli nimay salaantaaye

Sakhariyo siraad baa jiree saa ha la ogaado,

Sam hariiro qoon bay sugiye saa ha la ogaado,

Sakkaaraadna wuu dhiman yahee saa ha la ogaado,

Seeta jare inuu sigan yahay saa ha la ogaado,

Camal saalixa kaan lahayn ee dhabbaha seegay,

Sed naareed inuu noqon karo saa ha la ogaado.

Waxaa tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac(Cabdulaahi-soomaali)


Related Items