Sawir:Ciidanka Dowladda Islaamiga Ah oo Dhul Hor Leh Qabsaday iyo Diyaarado Lasoo Riday.

Wednesday September 17, 2014 - 12:20:53 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir:Ciidanka Dowladda Islaamiga Ah oo Dhul Hor Leh Qabsaday iyo Diyaarado Lasoo Riday.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidanka xukuumadda dabadhilifka ee kajirta magaalada Baqdaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidanka xukuumadda dabadhilifka ee kajirta magaalada Baqdaad.

Ciidamada mujaahidiinta dowladda islaamiga ah ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka istiraatiijiga alsaxar ee dhaca duleedka magaalada Alfaluujjah gobolka Al-nbaar.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaallo sedax maalmood qaatay kadib ay ciidamada mujaahidiinta ugu suurtagashay in ay dhabarka ka jebiyeen maleeshiyaadka shiicada Rawaafidda ah.

Wariyaasha Ciraaq ku sugan waxay kusoo waramayaan in boqolaal katirsan ciidanka mujaahidiinta ay isku fidiyeen mandiqadda Alsajar oo ah waddo istiraatiiji ah islamarkaana isku xirta Baqdaad iyo Al Anbaar.

http://wata.cc/up/2014/09/images/w-eac1729d44.jpg
Dhinaca kale diyaarad nuuca Drone-ka loo yaqaan ayay ciidanka cirka mujaahidiintu kusoo rideen duleedka Aljalolaa ee wilaayada Dayaala.

Muuqaal ay taageerayaasha mujaahidiinta ku baahiyeen baraha bulshadu kuwada xariirto ayaa lagusoo bandhigay muuqaalka diyaar basaas ah.

Dhinaca magaalada Raqqa ee dalka Suuriya waxaa lagusoo riday laba kamid ah diyaaradaha dagaalka maamulka Nuseyriga bashaar Al-asad.

Diyaaradaha lasoo riday ayaa ahaa miig21 xilligaasi oo ay duqeymo ka geysanayeen xaafadaha shacabku deganyihiin magaalada Raqqa,waa markii 3-aad oo diyaarado dagaal cadawga loogasoo rido Raqqa.

Boqolaal shacab ah oo ku faraxsan soo rididda diyaaradaha cadawga ayaa isugusoo baxay fagaarayaasha magaalada Raqqa waxayna ku dhawaaqayeen erayo guul muujinaya.


Related Items