Maleeshiyaad Amxaara Kalkaal Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Goofguduud Gobolka Bay.

Wednesday September 17, 2014 - 21:05:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Amxaara Kalkaal Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Goofguduud Gobolka Bay.

    Khasaara xooggan ayaa maaleeshiyaad amxaara kalkaal soomaali ah kasoo gaaray weerar dhabagal ah oo maanta gelinkii dambe ku qabsaday dhanka gobolka Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa maaleeshiyaad amxaara kalkaal soomaali ah kasoo gaaray weerar dhabagal ah oo maanta gelinkii dambe ku qabsaday dhanka gobolka Bay.

Wararka ka imaanaya deegaanka Goofgaduud Haraaw ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ay weerar dhabagal ah u dhigeen maleeshiyaad kasoo firxaday dhanka Waajid kunasii jeeday magaalada Baydhabo.

Wariye Cali Aadan Cali Yare oo Bay ku sugan ayaa soo sheegay in weerar kamiin ah oo ka dhacay tuulada Adeegoow uu sababay dhimashada 2 katirsan maleeshiyaadka Soomaalida amxaarada taabacsan iyadoona mujaahidiintu ay qabsadeen hub iyo saanado ay cadawgu ka carareen.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in firxadka maleeshiyaadka soomaalida amxaara kalkaalka ah uu caawa maqribkii gaaray magaalada Baydhabo.

Dhammaan deegaanadii lagu dagaalamay waxaa gacanta ku haya ciidanka muslimiinta waxaana xusid mudan in maleeshiyaadka laweeraray ay kasoo gadoodeen dhanka waajid iyagoo naftooda kusoo biimeeyay waddo halisteeda leh.

Related Items