Mudaaharaadyo Ka Dhanka ah Ciidamada AMISOM oo Muqdisho Ka Dhacay Kadib Markii ay Carruur Dileen.

Thursday September 18, 2014 - 15:08:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Mudaaharaadyo Ka Dhanka ah Ciidamada AMISOM oo Muqdisho Ka Dhacay Kadib Markii ay Carruur Dileen.

    Boqolaal qof ayaa dibad baxyo ka dhigay xaafado katirsan magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada shisheeye ay tacadiyo hor leh geysteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof ayaa dibad baxyo ka dhigay xaafado katirsan magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada shisheeye ay tacadiyo hor leh geysteen.

Mudaaharaadyo lagu diidanyahay joogitaanka ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa maanta duhurkii ka dhacay xaafado ku dhaw qasriga madaxtooyada magaalada Muqdisho.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in mid kamida gaadiidka gaashaaman ee cadawga AMISOM uu isgoyska Faloreensa si bareer ah ugu jiiray canug yar kadibna uu dhanka madaxtooyada u dhaqaaqay.

Dadka ku dhaqan degmada Wardhiigleey oo caraysan ayaa dhanka madaxtooyada u dhaqaaqay kadibna waxay isku dhaceen maleeshiyaadka ilaalada ka haya madaxtooyada.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka xamaasadatsan ay waddooyinka taayeero ku gubayaan iyadoona qoyska canugga laga dilay ay warbaahinta Muqdisho ka hadleen.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidanka shisheeyaha AMISOM ay gaadiidkooda gaashaaman si bareer ah shacabka ujiirsiiyaan sanadkan gudihiisa ayay sidaan oo kale wadada makka al-mukarama ugu dileen Nin darawal ah oo kaxaynayay gaari nuuca raaxada ah.

Related Items