Dhageyso:Shir Ka Dhacay Magaalada London oo looga Dhawaaqay in 2 sana Kadib Ciidamada AMISOM isaga baxayaan Soomaaliya.

Thursday September 18, 2014 - 20:36:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Shir Ka Dhacay Magaalada London oo looga Dhawaaqay in 2 sana Kadib Ciidamada AMISOM isaga baxayaan Soomaaliya.

    Magaalada London ee wadanka ingiriiska waxaa ka furmay shir looga hadlayo mustaqbalka maamulka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada London ee wadanka ingiriiska waxaa ka furmay shir looga hadlayo mustaqbalka maamulka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb gelaya intabadandowladaha reer galbeedka ee taageera duullaanka shareeca ladirirka ah ee soomaaliya lagusoo qaaday.

Ujeedka shirka London ayaa ah sidii looga arrinsan lahaa xaaladda DF-ka marka lagaaro sanadda 2016-ka xilligaasi oo ciidamada Afrikaanta AMISOM Soomaaliya isaga baxayaan.

Max’med Xasan Xaamud oo ku magacaaban wasiirka Gaashaandhigga oo shirka ku sugan ayaa sheegay in dowladaha taageera duullaanka soomaaliya ay ka walaacsanyihiin tayada ciidanka DF-ka.


"Shirka London ka socda waxaa looga arrinsanayaa xaaladda Soomaaliya lab asana kadib xiligaasi oo AMISOM ay dalka ka bixi doonto,dhammaan dowladaha qarashka ku bixiya AMISOM waxay noo caddeeyeen in bil kasta aysan lacago siin Karin ciidanka ajnabiga ah sidaasi daraadeed ay door bidayaan in ladhiso ciidan soomaaliyeed oo taya leh”ayuu yiri Xaamud.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in shirka London ka socda lagu diyaarinayo ciidan aan ka badnayn 8,000 soomaali ah kuwaasi oo aan heli doonin wax aan ka badnayn tababar iyo mushaar aan joogta ahayn.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in haddii shisheeyaha Afrikanta ay ka baxaan soomaaliya ay magaalooyinka muhiimka ah iyo degmooyinka ay dib uqabsan doonaan shabaabul Mujaahidiin.

Related Items