Muddo usbuuc ka badan oo aanu isbitalka shaqeyn ayaa waxaa haween badan lagu umuliyay geedaha hoostooda iyo meelo aan ku habooneyn, sidoo kale ilmo yar oo ka dhacay gaari dameer ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray kadib markii uu dhiig bax u dhintay cid la tacaashana la waayay.
Isbitaalka magaalada Saakoow oo ah dan guud oo ay usoo caafimaad doontaan dadka kunool illaa 6 gobol oo dhaca Koonfurta Soomaaliya wuxuu ubaahanyahay dib udhis kadib markii ay burbureen qeybaha aas-aasiga isbitaalka iyo qalabkii caafimaad ee muhiimka ahaa.
Hadaba qofkii doonaya in uu qarash ku tabaruco dib udhiska isbitaalka Saakoow hala xiriiro guddiga madaxa banaan ee isku taagan arrinkaas.
Hoos ka eeg Macluumaadka ku saabsan qaabka lacag diridda.
Sawirro: Fadlan Ka Qeyb Qaado Dib Udhiska Isbitaalka Guud Ee Magaalada Saakoow.
Dhammaad Qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa in ay ka qeyb qaataan dib udhiska isbitaalka Guud ee magaalada Saakoow oo ku burburay duqeyn ay geysteen diyaarado shisheeye.