Daqiiqado un ka dib markiia y duqeyntu dhacday, Idaacadda
Islaamiga Andalus ayaa booqatay goobaha ay beegsadeen diyaaradaha, halkaas oo
ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo gurmad u fidinayey dadka ku
waxyeeloobay duqeynta.
Wariye Idaacadda Andalus Maxamed Amiin Sheykh Cabdullaahi
ayaa microphone-ka la dhex qaaday qaar ka mid ah dadweynaha oo ay ku jiraan
kuwa guryahooda ku waayey duqeynta iyo kuwa kale oo si dirqi ah kaga
bed-baaday.
Halkaan Ka Dhageyso Vox Pop Laga Soo Qaaday Goobta MP3.
Deegaanka Ceel-Cadde wuxuu ka mid yahay deegaanada lagu
maamulo Shareecada Islaamka ee ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Bishii January, 2016-kii ayaa deegaanka laga xureeyey
ciidamada Kenya ee Shisheeyaha ah ka dib markii dagaalyahano ka tirsan
Al-Shabaab ay weerar ballaaran ku qaadeen xeradooda, ayna halkaas ku dileen ku
dhawaad 200 oo askari.
Tan iyo markaas magaaladu waxay ku naalooneysay amni iyo
nabadgalyo, iyadoona ciidamada Shisheeye ay ku dhiiran waayeen in ay ku soo
noqdaan.
Balse dowladaha Shisheeye ee dagaalka kula jira Xarkaada Al-Shabaab ayaa waayadii dambe dhaqan ka dhigtay in ay duqeymo diyaaradeed ku beegsadaan magaalooyinka ay ku badan yihiin shacabka si ay u argagax geliso dadka maadama lagu guuldareystay isku dayo muddo sanado ah ay dowladahan ku doonayeen in ay ku qabsadaan deegaanadaasi.
Dhageyso: Dadka Reer Ceel-Cadde Oo Ka Hadlay Duqeyntii Xalay Mareykanka ka Geystay Deegaankooda.
Dadka ku dhaqan degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay duqeymo wuxuushnimo oo xaley diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ka geysteen deegaankooda, Iyagoona gurmad iyo taakulo u fidiyey qaar ka mid ah qoysaska ku guryo beelay duqeyntaasi.