Mas'uuliyiin Katirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu Dilay.

Saturday September 20, 2014 - 10:02:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin Katirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada muqdisho ayaa sheegaya in weerar qorshaysan lagu dilay saraakiil sarsare oo katirsanaa dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada muqdisho ayaa sheegaya in weerar qorshaysan lagu dilay saraakiil sarsare oo katirsanaa dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen sedax sarkaal oo uu kamid ahaa agaasimihii waaxda socdaalka DF-ka.

Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in bartamaha wadada laamiga degmada Wadajir uu dilku ka dhacay,saraakiisha ladilay ayaa dhammaantood madaxyada laga toogtay.

Cali Max'med Ibraahim Cali Madoobe oo ahaa agaasimihii hay'adda duulista hawada ayaa la sheegay in isagoo dhaawac halis ah qaba lageeyay isbitaalka ciidanka AMISOM ee Xalane balse waxaa dhintay sedax qof oo la socday oo mid kamida sarkaal sare ahaa.


Xoogaga weerarka geystay ayaa si nabad gelyo ah uga dhaqaaqay goobta,illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan balse xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa caan ku ah dilalka saraakiisha ashahaadda ladirirka DF-ka iyo shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay.


Lasoco wixii soo kordha

Related Items