Rooboow oo iska dhega tiraya diidmadii dowladda Federaalka ay ka muujisay
madaxtinimadiisa ayaa Hotellada magaalada Baydhabo ku qabanaya kulamo uu sare
ugu qaadayo damaciisa xilka madaxtinimada.
isagoo xildhibaanno iyo siyaasiyiin kula hadlayay Baydhabo ayuu sheegay in wali
aan la magacaabin guddigii doorashada maamulka Koonfur Galbeed arrinkaas oo uu
sheegay in ay walaac ku abuurayso musharrixiinta.
Wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhiso guddiga doorshada
madaxtinimada 'Koonfur Galbeed', wuxuu ku baaqay in lagu dhaqmo dastuurka u
degsan maamulka Xabashida Itoobiya hoos taga ee kajira magaalada Baydhabo.
Mukhtaar Rooboow oo durbadiiba qabatimay dhaqamada waxa loogu yeero beesha
Caalamka ayaa ku baaqay in aan la hilmaamin wax uu ugu yeeray Xuquuqda dumarku
ku leeyihiin maamulka islamarkaana lagusoo daro guddiga ladhisi doono.
Ilo wareedyo laga helay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ololaha Rooboow ay
gacan weyn ka geysanayaan saraakiil ka socota Hay'adaha Q.Midoobe iyo dowladda
Itoobiya.
Saraakiisha Taliska ciidamada Itoobiya ee gobollada Bay iyo Bakool ayaa la sheegay in
siyaasiyiin deegaanka ah iyo xildhibaanno ay lakulmeen ayna kula taliyeen in ay
isbedel ku sameeyaan hoggaanka maamulka 'Koonfur Galbeed' islamarkaana Rooboow
lagu tijaabiyo hoggaaminta maamulka Baydhabo.
Video: Mukhtaar Roobow Oo Ku Baaqay in lagu dhaqmo Dastuurka Maamulka 'Koonfur Galbeed' Xuquuqna lasiiyo Haweenka.
Musharraxa xilka madaxtinimada maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed Mukhtaar Rooboow ayaa dhaliilay habacsanaanta kajirta qaabka ay udhacayso doorashada lafilayo.