Ciidamo AMISOM katirsan oo lagu dilay Weerar Ka Dhacay Buula Mareer iyo qarax lala helay Maleeshiyaadka DF-ka.

Saturday September 20, 2014 - 09:22:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo AMISOM katirsan oo lagu dilay Weerar Ka Dhacay Buula Mareer iyo qarax lala helay Maleeshiyaadka DF-ka.

    Mujaahidiinta soomaaliya ayaa xoojiyay dagaalka ay kula jiraan shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka kusoo qaaday dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahidiinta soomaaliya ayaa xoojiyay dagaalka ay kula jiraan shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka kusoo qaaday dalka.

Wararka ka imaanaya degmada Buula Mareer ee shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara badan dhaliyay xalay fiidkii lagu qaaday saldhigyada ciidanka gumeysiga AMISOM.

Hugunka rasaasta iyo madaafiic xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay gudaha degmada iyo banaankeeda,ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada mujaahidiintu ay si gaar ah u beegsanayeen goob ay ku sugnaayeen ciidanka Uganda.

Dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Hiiraan ayaa weerar ku qaaday tuulada Buq-goosaar ee duleedka Beled Weyne halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya.


Dhanka degmada Afgooye qarax khasaara dhaliyay ayaa lala eegtay ciidamo katirsan DF-ka oo isbaaro gaadiidka lacago looga qaado utaal buundada degmadaasi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items