Museveni oo Eryay R/wasaarihii Uganda Kadib Khilaaf soo kala dhaxgalay.

Saturday September 20, 2014 - 09:33:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Museveni oo Eryay R/wasaarihii Uganda Kadib Khilaaf soo kala dhaxgalay.

    Kadib khilaaf bilihii lasoo dhaafay soo jiitamayay oo u dhaxeeyay hoggaanka dowladda Uganda ayaa ugu dambeyntii xil ka qaadis lagu sameeyay R/wasaarihii wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib khilaaf bilihii lasoo dhaafay soo jiitamayay oo u dhaxeeyay hoggaanka dowladda Uganda ayaa ugu dambeyntii xil ka qaadis lagu sameeyay R/wasaarihii wadankaasi.

Wararka ka imaanaya magaalada Kampala ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha wadankaasi Baadari Muzeveni uu xilka qaadis ku sameeyay wasiirka 1-aad ee xukuumadda.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Kampala ayaa xilkii uu hayay looga qaaday Amama Mbabazi,R/wasaaraha la eryay ayaa sedaxdii sanadood ee lasoo dhaafay xilka hayay balse kaligii taliyaha Uganda maamula ayaa awood ku muquuniyay.

Baarlamaanka Uganda ayaa durbadiiba ansixiyay R/wasaaraha cusub oo loo magacaabay wasiirkii hore ee caafimaadka islamarkaana xubin ka ah xisbiga Museveni madaxda ka yahay.


Kaligii taliyaha Uganda xoogga ku heysta ayaa muddo 28-sanadood ah kursiga ku fadhiya isagoo xukunka ka fogeeya dhammaan siyaasiyiinta aan isaga ku fikirka aheyn.

Related Items