Dowladda Uganda Oo Ihaano Iyo Cadaadis Ku Heysa Soomaalida Ka Dhoofeysa Garoonka Diyaaradaha Ee Entebbe.

Saturday September 20, 2014 - 08:20:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Uganda Oo Ihaano Iyo Cadaadis Ku Heysa Soomaalida Ka Dhoofeysa Garoonka Diyaaradaha Ee Entebbe.

    Iyadoo Ciidamada Kufaarta Uganda ay duulaan ku joogaan dalkeena Soomaaliya, ayna gumaad iyo gaboodfallo kala duwan kula kacayaan dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkan ayaa hadana Dowladaas waxay bilowday in garoomada diyaaradaha ee dalkeeda ay si ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Ciidamada Kufaarta Uganda ay duulaan ku joogaan dalkeena Soomaaliya, ayna gumaad iyo gaboodfallo kala duwan kula kacayaan dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkan ayaa hadana Dowladaas waxay bilowday in garoomada diyaaradaha ee dalkeeda ay si gaar ah ugu beegsato bulshooyinka Soomaalida ah, Iyadoo kula kaceysa Midab-takoor, Ihaano iyo caga-jugleyn marka loo eego macluumaad laga helay dad badan oo dhibaatooyin loogu geystay garoomada diyaaadaha ee dalkaas.

Gabar Soomaali ah oo Iyadoo Safar ah la soo kulantay Soomaali badan oo ku Ihaaneysan garoonka Diyaaradaha Entebbe ee dalka Uganda ayaa ka sheekeysay sida Iyada iyo dad badan oo Soomaali ah loogu duleystay garoonkaas.

"Aniga waxaan ka soo duulay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi, Markii aan imid garoonka Entebbe, waxaa I istaajiyey Sarkaal ka tirsan waaxda Socdaalka, wuxuu I weydiiyey Passport-kii aan watay, wuu fiiriyey, ka dibna wuxuu igu amray in aan fariisto meel dad badan oo Soomaali ah la isugu geeyey”.



Gabadhan oo wadatay Passport British ah ayaa sheegtay in ay dareensiisay in ay tahay Muwaadin British balse waxa ay sheegtay in lagu yiri "Waxaad tahay Soomaali asal ah sidaas darteed waa in aad martaa hab-dhaqanka gaarka ha ee lagula mucaamilo dadka Soomaalida ah.

Waxay sheegtay in si gaar ah loo faquuqay iyada iyo dadkii Soomaalida ah, lagana qaatay Passport-dii ay wateen.

"Habeenkaas waxaan seexanay garoonka, waxaan arkay Dad Soomaaliyeed oo la ihaaneysanayo, Haweeney da’a ah oo joogtay meesha ayaa tiri muddo sideed saacadood ah ayaan fadhiyey halkaan, Warqadaheygii waa la isiiyey iyo Vizihii, Xitaa waxaan bixiyey 20 Dollar oo dheeraad ah oo la igu qasbay in aan bixiyo, mana jiro ilaa hadda qof ila hadlaya, mana doonayaan xitaa in ay na siiyaan Cabitaan iyo meel aan ku harsano”.

Gabadhan ayaa sheegtay in Markii ay isku dayeen in ay ka doodaan dhibka lagu hayo oo dacwad gudbisteen lagu yiri "Halkaan Waa Uganda, Ma ahan Soomaaliya ee Waan in aad u hogaansantaan Awaamiirteena”.

Haweeney kale oo wadatay afar caruur ah ayaa iyaduna tiri "Waan daalnay, tan iyo saakey halkaan ayaan joognay, Wax walbana waan bixinay oo na la weydiiyey iyo wax dheeraad ahba, Passport-keygiina wey iga qaateen ilaa hadana ma jirto cid wax ii sheegtay”.

Saraakiisha Ugandheeska ah ee ku sugan Garoonka Entebbe ayaa si gaar ah u duleysanayey haweenka, waxayna dumarka ku qasbeen in ay Qimaarka madaxa la saarto ku furaan ragga hortooda, Iyadoo loo diiday xitaa in ay meel gaar ah ku soo furaan si loo baaro.

Ka dib Ihaano, faquuq iyo caga-jugleyn dheer waxaa dadkaas ugu dambeyntii dib loogu soo celiyey Magaalada Nairobi, Waxaana laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta halkaas oo lagu siiyey baasabooradoodi.

Dad badan ayaa isweydiinaya ujeedka iyo Sababta ay Dowladda Uganda u beegsaneyso Cunsurka Soomaaliga ah nooc waliba oo uu yahay Iyadoo aanan u kala soocneynin Caruur, Haween iyo dad da’a ah intaba balse waxaa uu imaanayaa Xilli Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya dhawaan lagu helay gaboodfallo iyo dambiyo ay ka geysteen Soomaaliya kuwaa soo ay ka mid yihiin Kufsiga ka dhanka ah Dumarka Soomaaliyeed.

Dowladda Uganda ayaa sanadkii 2007-da Ciidamadeeda ku soo daadgureysay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Mujaahidiinta Soomaaliya, Waxayna qeyb ka yihiin Ciidamada Gaalada Afrikaanta ah ee Duulaanka Shareeca la dirirka ah kula jira Mujaahidiinta Soomaaliya.

Xigasho:Idaacadda Andalus


Related Items