Wafdi uu hoggaaminayo Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.
Socdaalka Kheyre ee Jowhar waxaa qeyb ka ahaa saraakiil ka socotay Q.Midoobe oo
si dadban umaamula dalka Soomaaliya, Max'med Cabdi Waare iyo mas'uuliyiin
katirsan maamulka Hirshabelle ayaa Kheyre kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha
Jowhar.
Socdaalka Kheyre ee Shabeellaha dhexe ayaa farriin u ah isbaheysiga ay ku
mideysanyihiin maamul goboleedyada mucaaradsan qaabka ay u shaqeyso dowladda ay
madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre.
Maamulka taakta daran ee HirShabelle ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in
uu dib usoo celiyay xiriirkii uu lalahaa dowladda Federaalka wuxuuna iska dhega
tiray go'aankii maamul goboleedyadu kasoo saareen magaalada Kismaayo ee
cilaaqaadka ujarayay dowladda Federaalka.
SomaliMeMo,Muqdisho
Socdaalka Kheyre Ee Magaalada Jowhar Oo Muujiyay Sida Maamulka Hirshabelle ugu xiranyahay Villa Somalia.
Wafdi uu hoggaaminayo Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.