Qarax Khasaara Dhaliyay oo Ciidanka Burundi Lagula Beegsaday Magaalada Kismaayio.

Saturday September 20, 2014 - 14:02:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay oo Ciidanka Burundi Lagula Beegsaday Magaalada Kismaayio.

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar khasaara xooggan dhaliyay lagu qaaday kolonyo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa dowladda kirishtanka Burundi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar khasaara xooggan dhaliyay lagu qaaday kolonyo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa dowladda kirishtanka Burundi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax xooggan uu qabsaday mid kamida gaadiidka gaashaaman ee ciidanka Shisheeye waxaana gaaray waxyeello xooggan.

Dad ku sugan xaafadda Fiya Afmadoow eee bartamaha magaalada Kismaayo oo ah goobta weerarku ka dhacay ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qarax xoogan iyo rasaas xigtay.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa larumeysanyahay in ciidanka Burundi uu kasoo gaaray weerarkii maanta barqadii lagula beegsaday magaalada Kismaayo.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka cadawga markii laqarxiyay kadib ay rasaas xooggan ku fureen wadada hareeraheeda waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad rayid ah.

Ugu yaraan hal qof oo ka shaqeynayay dhismaha guryaha ayaa dhintay tira kale oo shacab ahna dhaawacyo ayaa soo gaaray ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada shisheeye lagu weeraro Kismaayo.

Related Items