Xarakada Islaamiga Taliban ayaa xaqiijisay in ciidamadeedu ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay wateen ciidamada Mareykanka ee duullaanka gardarrada ah ku qaaday wadanka Afghanistan.
Weerar ka dhacay deegaanka Kowraar ee hoostaga gobolka Loojar ayaa sababay in
ay ku dhulka kusoo dhacdo diyaaradda oo ay la socdeen ciidamo American ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayay ku sheegtay in diyaaraddu gabi
ahaanteedba ay burburtay islamarkaana waxaa goobta gaaray diyaarado kale oo
daabulay dhaawacyo iyo Meydad.
Taliban ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda internetka ku xaqiijisay in diyaaradda ay haleeleen gantaallada garbaha lala gemo oo mujaahidiintu ay dhulka ka rideen.
Dhinaca kale isbaheysiga NATO ayaa xaqiijiyay in Jeneraallo sarsare ay uga
dhaawacmeen weerar naf hurnimo oo khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada
Qandahaar ee dhaca Koonfurta Afghanistan.
Ururka NATO wuxuu xaqiijiyay in laba sarkaal American ah ay ku dhaawacmeen
weerarkii Qandahaar oo gallaaftay nolosha Jeneraal sare oo katirsanaa
xukuumadda Kaabul iyo guddoomiyihii gobolka.
Wasaaradda G/dhigga Mareykanka ayaa iyana xaqiijisay in uu dhaawacmay Gen.
Jeffrey Smiley oo ah kormeeraha guud ee ciidanka Mareykanka ee Afghanistan ku duulay.
Wariye katirsan shabakadda CNN ayaa isagoo ku sugan xarunta wasaaradda G/dhigga
xaqiijiyay in Gen. Jeffrey Smiley uu dhaawac yahay laguna daweynayo isbitaal
gaar loo leeyahay.
Gen. Scott Miller oo ah taliyaha guud ciidanka NATO ee Afghanistan ayaa
khamiistii lasoo dhaafay si dirqi ah uga badbaaday isku day dil waxaana la
sheegay in uu isku difaacay hubkiisa gaarka ah.
Dagaalyahan mujaahid ah oo katirsan Talibaan ayaa dhax tiimbaday isku imaatin
xasaasi ah oo saraakiisha American-ka ah iyo kuwa xukuumadda Kaabuul ay ku
lahaayeen Koonfurta Afghanistan waxaana looga arrinsanayay sida laga yeelayo
weerarada isdaba joogga ah ee ka imaanaya Taliban.
SomaliMeMo,Muqdisho
Jeneraal Jeffrey Smiley Oo Dhaawac ah iyo Talibaan oo Diyaarad Dagaal Kasoo Ridday Mareykanka.
Xarakada Islaamiga Taliban ayaa xaqiijisay in ciidamadeedu ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay wateen ciidamada Mareykanka ee duullaanka gardarrada ah ku qaaday wadanka Afghanistan.