Weerar lagu qaaday Xarunta Degmada Boondheere iyo Darawalkii Guddoomiyaha Wardhiigleey oo ladilay.

Monday October 22, 2018 - 14:54:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu qaaday Xarunta Degmada Boondheere iyo Darawalkii Guddoomiyaha Wardhiigleey oo ladilay.

    Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii Weerar Bambaano ku qaaday xarunta degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii Weerar Bambaano ku qaaday xarunta degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan iyo rasaas ay furayeen ciidamadii ilaalada ka ahaa dhismaha weerarka lagu qaaday.

isla xalay xoogag hubeysan ayaa toogasho ku dilay darawalkii gaarka ahaa ee guddoomiyaha degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho, weerar kale oo ka dhacay halka loo yaqaan Sarkuusta waxaa lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka.

Dhammaan weeraradan waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha, shalay ayay aheyd markii weerar hubeysan lagu dhaawacay saraakiil katirsan DF-ka xilli ay ku sugnaayeen degmada Wadajir.



SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items