Jabhadda Al-Nusrah oo Dishay Askari Lubnaani ah iyo qarax lala eegtay Maleeshiyaadka Xisbu Sheydaan.

Sunday September 21, 2014 - 11:35:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 5
  • Share via Social Media

    Jabhadda Al-Nusrah oo Dishay Askari Lubnaani ah iyo qarax lala eegtay Maleeshiyaadka Xisbu Sheydaan.

    Wararka ka imaanaya xadbeenaadyada ay wadaagaan wadamada Suuriya iyo Lubnaan ayaa sheegaya in dagaallo khasaara badan dhaliyay ay dib uga qarxeen halkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka xisbullaah ayaa duullaan toos ah ku qaaday muslimiinta sunniga Suuriya
Wararka ka imaanaya xadbeenaadyada ay wadaagaan wadamada Suuriya iyo Lubnaan ayaa sheegaya in dagaallo khasaara badan dhaliyay ay dib uga qarxeen halkaasi.

Xoogag mujaahidiin ah ayaa weerar ku qaaday magaalada Carsaal ee gudaha Lubnaan kadib markii maleeshiyaadka ururka xisbu sheydaan ay dad muslimiin ah dhibaateeyeen.

laba askari oo katirsan melleteriga Lubnaan ayaa laxaqiijiyay in lagu dilay dagaalka ka dhacay magaalada Carsaal war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda beyruut ayaa lagu xaqiijiyay dilka askarta lubnaan.

Mujaahidiinta Jabhadda Alnusrah waxay sheegeen in mid kamida maxaabiista ciidanka Lubnaan oo gacanta ugu jiray ay dileen iyagoona ku hanjabay in ay dilayaan dhammaan askarta kale oo ay gacanta ku hayaan.


Dhinaca kale weerar istish-haadi ah oo ka dhacay bar koontarool oo ururka xisbullaah isku magacaabay ku leeyahay mandiqadda Baclamabak ayaa dhalisaday dhimashada 5 katirsan maleeshiyaadka shiicada.

Related Items